Ciidankani oo saacadihii la soo dhaafay ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada muqdisho ee caasimada dalka soomaaliya ayaa ujeedkooda waxa lagu sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan adeegyada lagu sugayo amaanka madaxda DKMG soomaaliya.
Tirade askarta mareekanka ee muqdisho soo gaaray ayaa lagu sheegay ku dhawaad 400 afar boqol oo askari mareekan ah kuwaasi oo uyimid soomaaliya in tababar usameeyan ciidamo ka tirsan kuwa DKMG soomaaliya kuna towbaraan gudaha magaalada muqdisho.
Ujeedada ciidanka mareekanka ay muqdisho usoo gaaren ayaa lagu sheegay in ay tahay baaritaano ay ku sameyn doonan raga iska soo dhiiba dhinaca DKMG soomaaliya kana soo baxsada dhinaca xarakada alshabaab kuwaasi oo hubin doono dadka sheegta in ay isasoo dhiiben.
Talaabadani ay dowlada mareekanka magaalada muqdisho ku soo gaaren ciidankeeda ayaa kusoo aadeysa xili dhawaan xukuumada washinton ay sheegtay in ay ubaahan tahay madaxyada ilaa 7todabo hogaamiye oo ka tirsan hogaanada xarakada alshabaab ee gudaha soomaaliya.
Dowlada mareekanka ayaa dhawaanahani waxa ay waday duqeymo ay diyaaradaheeda cirka ay ku bartilmaamedsanayaan fariisamaha xarakada alshabaab ay ku leeyihiin dalka soomaaliya kuwaasi oo duqeymo goor sii horeysay ku dilay dhowr hogaamiye oo ka tirsan saraakiisha xarakada alshabaab ee gudaha dalka soomaaliya.
Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.