WAKAALADDAA WARARKA WARSOM.COM
ay ku dhaawacmeen ugu yaraan saddex qof ayaa saakay aroortii hore ka dhacay degmada Qansax-dheere ee gobolka Bay oo ay gacanta ku hayaan ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya ee garabka siinaya.
Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka oo loo adeegsaday miino lagu aasay goob ay fariistaan saraakiisha ciidamada DKMG ee ku saugan degmada Qansax-dheere.
“Weerarka waxaa fuliyay guutada qaraxyada ee Al-shabaab, waxaana dhaawacyo ku gaarsiinnay Xasaneey oo ahaa taliyaha saldhigga degmada Qansax-dheere iyo Cali Garabeey oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada DKMG ah ee degmadaas,” ayaa lagu yiri war ay soo saareen Al-shabaab.
Al-shabaab waxay sheegtay in dhaawacyada labadan sarkaal ay yihiin kuwo culus, waxayna weerarkan ku sheegeen mid ka mid ah weerarrada ay ka geysanayaan degmooyinka ay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ay kaga sugan yihiin gobollada Bay iyo Bakool.
Laakiinse, saraakiil oo xaqiijiyay inuu qaraxu dhacay ayaa waxay beeniyeen in lagu dhaawacay saraakiil ka tirsan dowladda KMG ah, iyagoo sheegay inuu qaraxaas ku dhaawacmay qof rayid ah.
Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in miinada xalay lagu xiray goobta, mana jirto cid say sheegeen inay u qabteen weerarkaas miino, wuxuuna weerarkan noqonayaa kii ugu horreeyay oo degmadaas ka dhaca tan iyo markii ay la wareegeen ciidanka is-bahaysanaya.