Sheekh Muqtaar Roobow Oo Sheegay In Mareekanka Uu Ku Guuldaresanayo Hadalka Ka Dhanka Ah Xarakada Alshabaab.

0
474

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Asigoo dadweyne ad ufara badan kula hadlayay qeyba ka mida gobolka baay afhayeenkii hore ee xarakada alshabaab muqtaar roobow cali abu mansuur ayaa waxa uu sheegay in wax saameyn a aanay ku yeelan doonin hadalka ka soo yeeray dowlada mareekanak ee ku aadanaa in dowlada mareekanka ay duldhigtay aduun lacaged oo gaaraya 33 milyan oo dollarka mareekanka ah madaxyada ilaa 7 hogaamiye oo ka titsan xarkada alshabaab.

abu mansuur ayaa waxa uu sheegay in aanay jirin sabab dhab ah oo ku qasbi karto in ay cabsi ka muujiyaan hadalka aan micnaha laheyn ee ka soo baxay dowlada mareekanka.

waxa uusheegay in asiga uu isaga gudbo dhamaan wilaayooyinka xarakada alshabaab isla markaana uu mareekanka usheegayo halka uu kaga sugan yahay dalka soomaaliya sida uu hadalka udhigay abu mansuur.

waxaan ku suganahay masjid ku yaal buur hakaba hadii mareekanka uu qaadi karo taalabo ha usoo bareero halka aan ku suganahay waxaa sidaasi yiri muqtaar roobow cali abu mansuur afhayenkii hore ee xarkada alshabaab,oo ka jawaabayay hadalka mareekanka uu ku hanjabay ee ah in loo soo sheego hogaamiyaasa alshabaab halka ay ku sugan yihiin.

hadalkani kal hore ay ka dhawaajisay dowlada mareekanka ayaa waxaa sidiiran u soo dhaweeyay qaar ka tirsan madaxda dowlada KMG soomaaliya,halka xarakada alshabaab ay uga jawaab celisay si jees jees leh .

Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya.