Qaramada Midoobey iyo Danleyda Arrimaha Soomaaliya oo ka Digay in Xoog lagu Wajaho Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya.

0
465

Beesha caalamka ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay  xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, waxayna madaxda Soomaaliya ugu baaqeen inay danta dalka ka hormariyaan wax walba, ayna dejiyaan xiisadda siyaasadeed ee haatan kacsan.

Beesha caalamka waxay sidoo kale ka digtay daandaansiga ama adeegsiga xoog, kaasoo oo wiiqi kara nabadda iyo xasilloonida ka jirta Soomaaliya.

“Saaxiibada beesha caalamku waxay marar badan ku celceliyeen walaac isa soo taraya ay ka muujiyeen wax isdaba marin xagga habraaca iyo dib u dhaca hannaanka doorashada Soomaaliya. Waxa lagama maarmaan ah in degdeg ah loo hirgeliyo heshiisyadii 17 Sebtembar 2020 iyo 27 May 2021, ee saldhigga u ah doorashooyinka iyadoo aan lagu sameyn wax carqalad dheeri ah,” ayaa lagu yiri bayaanka beesha caalamka.

Beesha caalamka waxay sheegtay in ay kulan yeeshaan Golaha Wadatashiga Qaran, si loo dardargeliyo loona hagaajiyo geedi socodka doorashada, looguna soo gunaanado si degdeg ah oo lagu kalsoonaan karo.