WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
Dowladda Dalka Itoobiya ayaa sheegtay inay ciidamadeedu kusii sugnaanayaan Soomaaliya inta laga meel-marinayo dastuurka lagana dhisayo ciidammo milateri ah oo iska difaaci kara weerarrada kaga imaanaya Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab.
Xukuumadda Addis Ababa ayaa waxay sannadkii hore Soomaaliya u soo dirtay askar fara badan oo gacan ka siinaya ciidamada dowladda dagaallada ay kula jiraan Xarakada MujaahidiintaAl-shabaab. Iyadoo saraakiisha Itoobiya ay sheegeen in ciidamadoodu ay ka baxayaan Soomaaliya marka ay ka adkaadaan xoogagga Islaamiyiinta ah.
“Ciidamada Itoobiya waxay ku sii sugnaan doonaan Soomaaliya, inta laga dhisayo dowlad awood leh oo iska caabin karta Al-shabaab,” ayuu yiri afhayeenka dowladda Itoobiya, Shimeles Kemal oo wariyeyaasha kula hadlayay Addis Ababa Jimcihii shalay.
“Ma jiro qorshe aan xilligan ku doonayno in ciidamadeenna aan kaga soo daad-gureyno Soomaaliya illaa inta laga hirgelinayo dastuurka lagana adkaanayo kooxaha dowladda ka horjeeda,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Dastuurka ayaa lagu wadaa in bisha soo socda la meel-mariyo, iyadoo sidoo kalena uu xilliga dowladda ku eg-yahay bisha Ogoosto ee sannadkan, iyadoo xilligaas wixii ka dambeeya la dhiso doono dowlad joogto ah.
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya waxay xoogagga Xarakada mujaahidiinta Al-shabaab ka qabsadeen degmooyinka Baydhabo, Baladweyne iyo goobo kale oo ay Al-shabaab awood badan ku lahayd.
Bishii May ee sannadkan ayaa waxay markii ugu horreysay ciidamada AMISOM oo caawinaya kuwa DKMG ah kala wareegeen Xarakada Al-shabaab degmada Afgooye oo 30-km dhinaca waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo deegaannada u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye.
Sidoo kale, bishii lasoo dhaafay ciidamada Kenya iyo kuwa DKMG ah oo dagaal kula jira Ciidamada Mujaahidinta Al-shabaab ayaa waxay iyaguna gacanta ku dhigeen degmada Afmadow oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya.