Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Sheegay Inaanu Waxba Ka Ogayn Ajandaha Ay Somaliland La Tagtay Wadahadalada Somalia.

0
482

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa heegay inaanu waxba kala soconin ajandaha waftiga Somaliland uga qaybgalaya wada-hadalada Somaliland iyo Somalia ee ka furmaya 20ka bishan June magaalada London ee dalka UK ay la shir tagayaan, waxaanu tilmaamay in go’aanka laga qaadanayo natiijada wadahadalada Somalia ka soo baxa ay u taalo xubnaha waftigaasi go’aanka ay Madaxweynaha kala tageen.
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu intaa ku daray in marka ay Somalia soo gaadho maqaamka dawladnimo ee Somaliland ay taagan tahay, isla markaana ay dalkooda nabad ka dhaliyaan laga wada hadli karo mustaqbalka labada dal ee Somaliland iyo Somalia.

Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici oo socdaal ugu maqnaa dalka Sweden oo shalay ku soo guryo noqday dalka oo waramay Shabkada warsom.com , ayaa wax laga waydiiyay wada hadalada Somaliland iyo Somalia ku dhex mari doona todobaadkan magaalada London, ugu horayna isaga oo ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan u aragnaa in wada hadaladani ay muhiim yihiin, sababtoo ah laba dal oo walaalo ahaa oo wax wada lahaa baanu ahayn, inay laba dal oo wax wada lahaa wada hadlaan muhiim baan u arkaa, beesha caalamku meesha lagu wada hadlayo ayuun bay diyaarinayaan goob joogna ay ka noqonayaan, laakiinse wada hadalku waxa uu u dhaxaynayaa Somaliland iyo Somalia”

S: Ma jirtaa ajande qoran oo laga wada hadlayaa mise wixii dhinac soo jeediyo ayuun baa laga wada hadlayaa?

J: Anigu dalkii laba todobaad baan ka soo maqnaa waraysi badana umaan helin inaan madaxweynihii la xidhiidho, markaa inuu ajandihii qoran yahay iyo inaanu qornayn hada kama warami karo.

S: Shirku markuu dhamaado maxaa idinku jeceshihiin in natiijo laga gaadho?

J: Waxaanu jecelnahay in walaalahayaga koonfureed ay ku qancaan dawladnimadii aanu shalay ula tagnay inaanu noqono laba dawladood oo jaara, in go’aanka shacbiga Somaliland ay qaateen ay nagu taageeraan, waxaan qabaa in laba dawladood oo Somalia ay noqoto, iyaguna ay nagula qancaan, laakiin shacbiga Somaliland waxay jecel yihiin inay markasta noqdaan dal gooni u taagan.

S: Haddii ay idin yidhaahdaan 1960-kii idinkaa yimid imikana anagaa idiin imanayna ee sidaa ku bogsada, maxaad ka leedahay?

J: Ragaasi meesha tagay iyo go’aanka ay madaxweynaha kala tageen ayuun bay noqonaysaa, aniguna ka sii hordhici maayo oo sidaasay noqonaysaa iyo sidaasaa la yeeli doonaa ku odhan maayo.

S: Distoorka loo diyaarinayo Somalia ayaa waxa uu dhigayaa qodob ka mid ahi haddii qayb ka mid ahi gooni isku taagayso in shacbiga afti laga qaado, arrinkaasi sideed u aragtaa?

J: Distoorku maaha mid Somaliland iyo Somalia ay u dhan yihiin, waxaanu khuseeyaa koonfurta, waxaanu jecelnahay in koonfurtu ay na soo gaadhaan oo waxooda ay hagaajistaan, marka ay soo gaadhaan xaga aanu joogno ee ay dhistaan dal nabada wixii markaa talo ah ee la gartaba waa wax waxuun lagu hagaajin karo, anaguse waxaanu jecelnahay in markasta si walaalnimo ah lookala baxo”.

Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Boorame,S/Land.