Siyaasiga simaciil hura buuba oo ka mida siyaasiyiinta soomaaliyeed ee ka soo jeeda maamulka soomaaliland ayaa natiijo xuma ka muujiyay shirka manta oo arbaca ah ka furmay magaalada London ee caasimada dalka biriten .
Ismaaciil hure buuba ayaa waxa uu sheegay in muhiim ay tahay marka laga wada hadlay arimo quseeya siyaasada soomaaliya in gudaha dalka lagu qabto wada xaajood walba oo ku aadan xaalada soomalida.
Siyaasiga ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay in wax lagu soo yigleelo dalka dibadiisa aanay wax micna ah ku soo kordhineyn dalka soomaaliya.
Mar wax laga weydiyay aragtida soomaaliland ayaa waxa uu sheegay in soomaaliland aanay udhameystirneyn qaab ka ay uga qeyb gashay shirka magaalada London ka furmay.
Sikastaba ha ahaate shirka magaalada London ayaa waxa ka wada dhega taagsan qeybaha kala duwan ee soomaalida ku dhaqan dalka iyo dibada
Inkastoo soomaaliland hada ay ka yara duwan tahay qaabkii loga bartay ee ah waxa ay soomaliweyn ka aaminsaneed sanado ka hor.
Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.