Waxaa manta magaalada London ee cariga dalka ingiriska ka furmay shirka lagu doonayo in leesku keeno soomaaliweyn iyo soomaaliland oo muda dheer la soo qaban qaabinayay.
Wafuuda ukala mitalaya labada dhina ee maamulka soomaaliland iyo dowlada KMG soomaaliya ayaa goorsii horeysay oo manta waxa ay gaaren magaalada London.
Wafdiga ka socda dpwlada KMG soomaaliya waxa hogaaminaya wasiirka arimaha gudaha iyo amaanka xukuumada KMG soomaaliya cabdi samad macalin maxamuud sheikh xasan faarax,iyadoona wafdiga ka socda dowlada KMG soomaaliya ay ka kooban yihiin ilaa shan xubnood oo matalaya soomaaliya.
Dhanka soomaaliland waxaa wafdiga ka socda hogaaminaya wasiirka arimaha dibada maamulka soomaaliland maxamed cabdullaahi cumar .
Kuwaasi oo ka kooban ilaa iyo shan xubnood oo uga qeyb galaya shirka magaalada London ee dalka biriten.
Bulshada soomaaliyeed ee ku nool magaalada London oo la hadlay saxaafada waxa ay sheegen in ay soo dhaweynayaan shirka London ka furmaya manta.
Sidoo kale jaaliyada soomaaliland ee dalka ingiriiska ayaa si wanaagsan usoo daweyay in soomaaliweyn hal meel leeskugu wada keeno si loo hello nabad iyo barwaaqo.
Si kastaba ha ahaate waxaa la filayaa shirka ay garwadeenka ka tahay dowlada ingiriiska in ay ka soo baxaan qodabo wax ku ool ah oo wanaag u horseeda soomaalida oo dhami loogana gudbayo kala qeyb qeyb sananta ragaadisay soomaaliya
Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.