Taliyaha ciiddanka lugta ee xoogga dalka Soomaliyeed, General Maxamed Biixi ayaa sheegay in aysan marna raalli ka ahaan doonin in AMISOM ku gorgortanto joogitaankeeda Soomaaliya, si loogu fuliyo danaheeda.
“In korkayaga lagu gorgortamo oo wiilal Afrikaanka laga soo kaxeeyay, ay dusheenna ku gorgortamaan, annaguna aan isku mashquulsannahay, bal macnaheeda dib u fiiriya,” ayuu yiri Gen. Biixi.
Gen. Biixi wuxuu sheegay Soomaalidu in ay iyagu halkaas is dhigeen, oo garan waayeen in ay isku tashadaan oo ay dowladnimadooda ilaashadaan, kana dhiidhiyaan in askari dibadda looga keenay uu u taliyo.
“Nin korkiisa lagu gorgortamayo oo la leeyahay haddii aadan siyaasad hebel ii oggolaan inaan soo faragaliyo ama aadan waxaas isiinin, dalkaaga ka tegi maayo ama waan ka baxayaa, soo waxaan garaadada u sidano bilaash ma ahan,” ayuu raaciyay hadalkiisa Gen Biixi.
Taliyaha ciiddanka lugta wuxuu sheegay in askariga AMISOM uu bishii mushaar ahaan u qaato $1,400, oo ay u u dheer tahay daryeelkiisa iyo cunnadiisa gaarka ah, halka askariga Soomaaliyeed uu qaato lacag aad u yar.











