Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Xukuumada Somaliland ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in
hogaamiyeyaasha Soomaaliya u cadeeyeen inay qiimayn doonaan dalabkooda
bedelaada xubnahii muranka keenay, haddii natiijo ka soo bixi weydana uga
raadin doonaa aqbalaad iyo taageero dhinacyo kale.
Wasiirka Arrimaha dibedda Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar ayaa hoosta ka
xariiqay inay Somaliland guul u tahay maadama ay miiska wada hadalka isku
soo horfadhiisan doonaan Soomaaliya iyagoo laba qeybood oo siman ah.
Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar oo wareysi gaar ah uu wargeyska Geeska Afrika
wax kaga weydiiyey wada hadalka dhowaan ku dhexmari doona Soomaaliya ayaa
mar labaad ku celiyey in ka qeybgalka Somaliland ku xidhan yahay fulinta
shuruudahii ay hore ugu xidheen, su’aalahii la weydiiyey iyo jawaabahii uu
ka bixiyeyna waxay u dhaceen sidan:
*S: Dhowaan waxa loo ballansan yahay wada hadal dhexmara Somaliland iyo
Soomaliya, maxaad nooga sheegi kartaa mowqifka Somaliland shirkaa la tegi
doonto?*
Waxaan dhowaan London kula yeelan doonaa wada hadalo siyaasadeed oo
fool-ka-fool ah Soomaaliya markii koowaad 21-kii sannadood ee Somaliland
jirtay. Fursad wanaagsan ayey noo tahay aan ugu soo bandhigno go’aankayaga
iyo hiigsigayaga Soomaaliya annagoo miis wada fadhina, oo laba qeybood oo
siman ah. Wada hadalkaa laftiisa ayaa guul u ah Somaliland. Waan sii wadi
doonaa wada hadaladaa si aan ugu gaadhno hadafkayaga.
*Hore, Somaliland waxay ku xidhay shuruud ka qeybgalka wada hadalada
Soomaaliya bedelaada xubno u dhashay Somaliland oo Madaxweyne Shariif ku
soo daray xubnahii uu magacaabay, welina ma hayno meel lagu bedelay
xubnahaa, miyey isbedeshay shuruudii hore ee Somaliland? Hadiise mar kale
la soo celiyo maxaa idiinka meel yaal?*
Ka qeybgalka Somaliland ee wada hadalada London waxa shardi u ah shuruudaha
aad sheegtay. Xukuumada ku-meel-gaadhka Soomaaliya waxay noo sheegeen inay
qiimayn doonaan dalabkayaga bedelaada.
*Wada-hadalada noocyadan oo kale hore dalal badan ayaa soo maray ugu
danbeeyeen kala go’ii labada Sudan, waxaana jiray wadamo qeyb ka ahaa ama
dhexdhexaadinayey, wada hadalada idiin qorshaysan ma jiraan wadamo qeyb ama
markhaati ka noqonaya wada hadalkiina?
*
Xukuumada Somaliland waa u diyaar inay wadahadal la yeelato Xukuumada
ku-meel-gaadhka ee metelaysa Soomaaliya. Waxaan si quman u derisnay dhamaan
fursadahayaga, waxaanan la tashiyo iyo wada xaajood la yeelanay qaar ka mid
ah daneeyaasha ay khusayso.
Rajo intee le’eg ayaad ka qabtaan inay idiinka soo baxaan wada hadalada
dhowaan dhici doona, ma jirtaase xal labaad oo idiin qorshaysan haddii
natiijada aad filaysaan ku gaadhi weydaan wada hadalada?
Waxaan dib ugu cadeyn doonaa go’aankii qaranimada Somaliland iyo
danahayaga, isla markaana uga raadin doonaa aqbalaad iyo taageero dhinacyo
kale.
Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)