Ciidanka DKMG Soomaaliya Oo manta Howl gallo dad lagu soo qabqabtay Ka Sameyay Deeganada Loo Barakacay Ee Duleedka M/Muqdisho

0
633


WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Howlgalkani oo ka danbeyay ka dib fal dil ah oo maalintii shalay deeganka lafolle loogu geestay macalin axmed ibraahim mursal oo ka mid ahaa culumaa,udiinka ku dhaqan deeganka lafolle ee duleedka ee u dhexeya gobolada shabellaha hoose iyo gobolka banaadir.

Dilkaasi ka dib ciidanka DKMG soomaaliya eek u sugan gobolka shabellaha hoose waxa ay bilaaben howl gallo lagu sugayo amaanka guud ee deegaanada loo barakacay ee duleedka magaalada muqdisho.

Owlgalka manta ayaa waxaa dadka deeganka ay inoo shegen in lagu soo qabqabtay dalin yarro gaareysa 10 da,yar ah oo la aaminsan yahay in ay wax ka ogyihiin falkii dilka ahaa ee shalay ka dhacay deeganka lafoole.

Saraakiisha amaanka ee Dowlada KMG kuna sugan shabellaha hoose ay goor sii horeysay ay sheegen in ay wadi doonan howlgalada lagu adkeeynayo amaanka dadka rayidka ah ee ku dhaqan qeyba ka mida shabellaha hoose.

Maalmahii ugu danbeeyay waxaa isa soo tarayay cabashada dadka rayidka ah ee ka cawanaya dad ku labisan deeska ciidanka DKMG soomaaliya iyo saraakiisha dowlada oo ay sii badaneysay han jabaadaha ay u dirayaan kooxaha diidan deganaanshaha umada soomaaliyeed.
Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.