Dowlada KMG soomaaliya Oo Sheegtay In Ay Gacanta Ku soo dhigtay Dhalin yarro Shabaab ka tirsan.

0
425


WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Wasiir ku xigeenka wasaarada gaashandhiga Xukuumada KMG ah ee soomaaliya maxamed cali catoosh oo la hadlay saxaafada ayaa waxa uu sheegay in magaalada baydhabo ay ka qabteen ciidamo ka tirsan ciidamada amniyaadka xarakada alshabaab.

Wasiir ku xigeenka oo ka gaabsaday in uu saxaafada uga warbixiyo tirade rasmiga ah ee kooxaha ay soo qabqabteen ayaa waxa uu ku sheegay in ciidanka boliska magaalada baydhabo in ay gacanta ku soo dhigeen.

Ugu danbeyntii wasiir ku xigeenka DKMG soomaaliya maxamed cali catoosh ayaa waxa uu sheegay in raga la soo qabqabtay ay farsameynayen miinooyinka dhulka lagu aaso iyo walxaha qarxa xiliga la soo qabqabanayay.

Talaabadani ay qaadyaan ciidanka amaanka DKMG soomaaliya ayaa ah kuwa lagu doonayo in lagu sugo amaanka magaalooyinka ay ka taliso dowlada KMG soomaaliya oo ay mararka qar ka dhacaan shaqaaqooyin saameyn adag ku yeesha dadka rayidka ah.
Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.