Wareegto ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dalka Kenya ayaa waxaa jago Cusub loogu magacaabay Maxamed Yuusuf Xaaji oo ah Wasiirka gaashaandhigga Dalkaasi.
Wareegtada ayaa lagu sheegay in si ku meel gaar ah loogu magacaabay Yuusuf Xaaji Jagada Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Dalka Kenya.
Arrintu waxay timid kaddib markii wasiirkii wasaaradaasi Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka George Saitoti uu ku geeriyooday Shil diyaaradeed oo ka dhacay Dalkaasi.
Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa horay u sii hayey Wasiirka gaashaandhigga Kenya, waxaana hadda loogu daray sii haya wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Dowladda Kenya.
Saxaafadda Dalka Kenya ayaa si aad ah u hadal haysa Yuusuf Xaaji oo ah wasiirka gaadhaandhigga haddana laga dhigay ku simaha wasaaraddii amniga Qaranka Kenya.
George Saitoti wisiirkii arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Kenya iyo Yuusuf Xaaji wasiirka gaadhaandhigga ayaa labaduba waxay hormuud ka ahaayeen in Ciidamada Kenya ay guha u galaan Soomaaliya.
Soomaalida ku dhaqan Dalka Kenya ayaa soo dhaweeyey jagada loo magacaabay Maxamed Yuusuf Xaaji.
Arrintan waxa ay ku soo beegmaysaa iyadoo Todobaadkii hore uu shil dhiyaaradeed ku geeriyooday George Saitoti wisiirkii arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Dalka Kenya.
Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.