Rag ku labisan dareeska ciidanka DKMG ah ee soomaaliya ayaa 9subax nimo ee manta waxay nin rayid ah ay ku dileen nawaaxiga deeganka lafoolle ee duleedka magaalada muqdisho.
Qofka la dilay oo lasheegay in uu ahaa macalin dugsi oo caan ka ah deeganka lafoolle laguna magacaabayay macalin axmed ibraahim mursal ayaa abaare saakay markii saacada ay ku beegned sagaalka waxa dabley ku hubeysan ay ku toogteen lafoolle.
Qaar ka tirsan ehelada marxuumka oo la hadlay warbaahinta ayaa waxay sheegen in raga toogtay macalinka ay maalmahii ugu danbeyay ay ku amrayeen in uu bixiyo lacago baad ah oo aan la ogeyn ujeedka ay kaga maaganayeen.
Sidoo kale marxuumka la dilay ayaa ahaa qadhiibkii masjidka degnka lafoolle kaasi oo ay ku toogten gacan ku dhiiglayaasha hoyga uu deganka lafolle ka degan yahay asigoo aqrisanayay kutubka qur,anka kariimka xiliga la tooganayay sida ay inoo sheegen qaar ka tirsan ehelada marxuum macalin axmed ibraahim mursal.
Dhacdada manta deeganka lafolle ee lagu toogtay ayaa waxa ay qeyb ka tahay falalka dilalka ee aalaba ka dhaca deeganada ay dowlada KMG soomaaliya ka taliso,waxaana xusid mudan in horaantii bishii aanu ka soo gudabnay in degmada afgooye lagu toogtay nin ganacsade ah oo ay toogten qolyo aan la heyb Garran.
Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.





