Maamulka Qaatumo State Oo Maamulada Soomaaliland Iyo Puntland Ku Eedeyay In Ay Faquuq ku sameynayaan

0
660


WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Maxamuud sheekh cumar oo ah afhayeenka maamulka qaatumo state ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in maamulada soomaaliland iyo maamulka puntland ay wadaan qorshe ay ku doonayaan in maamulka qaatumo ay uga saaran deeganada uu hada ka taliyo.

afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in ay labada maamul heshiis buuxa ay ku wada yihiin is la burburiyo maamulka qaatumo state oo ka taliya inta u dhexeysa labada maamul.

hase ahaate hadalka afhayeenkamaamulka qaatumo state ayaa waxa uu ka danbeyay ka dib dagaal maalintii shalay ka dhacay deeganka tuqaraq oo udhexeya magaalooyinka garoowe iyo laasacaanod.

dagaalkaasi oo ilaa xalay ka socanaya deeganka ayaa maamulka qaatuma waxa ay sheegen in ciidankooda ay la dagaalamayaan askarta soomaaliland iyo ciidanka puntland oo iska garab siinaya sidii maamulka qaatumo looga sari lahaa deeganada udhexeya labada maamul ee puntland iyo soomaaliland.

Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.