DKMG Soomaaliya Oo Sheegtay In Wax Qasaara Ah Aanay Ka Soo Gaarin Qaraxii Ismiidaminta Ee shalay Afgoye Lagula Eegtay Ciidanka Dowlada

0
490


WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

taliyaha ciidanka gaaska lexaad ee dowlada KMG soomaaliya ayaa Ibraahim yarrow ayaa waxa uu sheegay in aanay jirin wax qasaare ah oo ka soo gaaray weerarkii qarax ee maalintii shalay lagu qaaday saldhiga ciidanka degmada afgoye oo fariisan u ah ciidanka dowlada soomaliya.

taliyaha ayaa waxa uu intaa raaciyay in sidii aay doonayeen kooxahii weerarka soo qaday in aanay u suura galin oo aanay dhankooda qasaare ka soo gaaray aanay jirin oo uu usheegi karro saxaafada.

taliyaha ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in ay bilaaben howlgallo aan wadan wax cabsi galin ah isla markaana ay bilaabayaan in la badiyo bar koontaroolayaaalka laga hagi doono amaanka degmada oo hore aanay usoo saarin balse qaraxii shalay ka dib ay bilaabayaan in ay badiyaan chekpoint yaha lagu sugayo amaanka dadka iyo deeganka degmada afgooye.

ugu danbeyntii qaraxa maalintii shalay afgooye ka dhacay ayaa waxa uu noqanayaa kii ugu horeyay oo ismiidamin ah oo afgooye ka dhaca tan iyo markii gacan ku heynta degmada afgooye 26kii bishii may ee sanadani 2012.

Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.