Waxaa soo hagaagaya xaalada caafimaad ee gudoomiyaha xerada IFO ee gobolka waqooyi barri dalka Kenya Isniino cali raage oo xalay qarax lagula eegtay meel aan sidaasi uga fogeen xerad ay gudoomiyaha ay ka tahay ee xerada IFO.
Dhaawaca gudoomiyaha xerada IFO ayaa xalay waxaa adeegyo caafimad logu sameeyay cusbitaal kuyaal magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.
Qaraxa lala beegsaday gudoomiyaha ayaa waxa uu qeyb ka yahay qaraxyada isdaba jooga ah ee dalka Kenya ku soo batay tan iyo markii bishii October ay gudaha ugaleen dalka soomaaliya ciidamada dalka Kenya oo ay sheegen in dhibaatada ku gaamurtay dalka soomaliya ay saameyn adag ku yeelatay xaaladaha amaanka dalka Kenya oo dhowr jeer oo hore dad u dhashay dalalka reer galbeedka qafaalasho loogu geestay gudaha dalka Kenya.
Ugu danbeyntii saraakiisha ciidanka boliska ee magaalada Nairobi ayaa waxa ay gaaren agagaarka xerada IFO ee gobolka waqooyi barri gaar ahaan halka qaraxa lagula eegtay gudoomiyaha xeradaasi isniino cali raage. Oo hada xaaladeeda caafimaadka ay soo hagaageyso.
Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdihso,somaliya.