Sheekh cabdiwali maxamed cali oo ah gudoomiyaha degmada ceelbuur ee gobolka galgaduud ee xarakada alshabaab oo saddex billod ka dib goob fagaara ah kula hadlay shacabka ku daqan degmada ceelbuur ayaa waxa uu kaga digay in aanay booqan goobaha ay faarujiyeen ciidamada Ethiopia iyo kuwa ahlusunna waljameeca.
Gudoomiyaha oo la hadlayay dad aad ufara badan oo salaada jimcaha ay ku wada tukadeen ayaa waxa uu sheegay ilaahey fadligiis in markale ay dib u qabsadeen gacan ku heynta magaalada ceelbuur oo xarakada alshabaab laga wareegay muda hada ay ka soo wareegatay saddex bilood ka hor.
Shacabka ayuu ugu baaqay sheikh cabdiwali in ay u diyaar garooban la dagaalanka ciidamada isbiirsanaya ee Ethiopia iyo kuwa ahlu sunna waljameeca oo dhawaan faarujiyay degmada ceelbuur ee gobolka galgaduud bartamaha soomaaliya.
Dadka deeganka eek u dhaqan degmada ceelbuur ayaa waxay muujinayaan cabsi xoogan oo ay ka qabaan in markale dagaal degmada uu ku dhexmarro ciidamada hore u faarujiyay ee etiopia iyo kuwa ahlu sunna waljameeca oo isku dhinac ah iyo ciidamada xarakada alshabaab oo hada maamulaya degmada ceelbuur ee gobolka galgaduud.
Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.