Salaadiinta Subeer Awal oo cambaareeyay falkii lagu dhaawacay Guddoomiye C/Rashiid Duraan‏.

0
499

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Salaadiinta Beelaha Subeer awal ayaa maanta bayaan ay soo saareen waxay si adag u cambaareeyeen falkii Isniintii la soo dhaafay lagu dhaawacay Gudoomiyihii Maxkamadda gobolka Hargeysa C/Rashiid Duraan. Waxaanay ku baaqeen in sharciga la horkeeno dadkii falkaasi foosha xun geystay.

Sidaasna waxa lagu sheegay bayaan ay soo saareen sagaal Suldaan oo u dhignaa sidan:-

“Haddaannu nahay Sallaadiinta Beesha Subeer Awal oo uu hoggaaminayo Suldaanka Guud ee Beeshu Suldaan Xasan Suldaan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan.Sidaannu hore u sheegnay waxaannu mar labaad cambaaraynaynaa
dhacdadii foosha xumayd ee lagu dhaawacay Guddoomiyaha Maxamadda Gobolka Hargeysay.

Mara xigta waxaannu aad iyo aad uga xunnahay waxa ayaamahan warbaahinta u soo noq noqonayay hadallo xambaarsan fidmo-abuur iyo xaalado hor leh oo khatar gelin kara nabadgelyada iyo amniga. Haddallaad oo ka soo fulayay xubno ka mid ah sallaadiinta iyo xildhibaannada ka soo jeeda Beesha Habaryoonis.

Kuwaasoo farta ku fiiqayay in xildhibaanno, sallaadiin iyo culimmo ka tirsan Beesha Subeer Awal ay ka danbeeyeen falkii foosha xumaa ee dhacay, iyadoo dawladda iyo hay’adihii shaqada ku lahaa weli faraha ku hayaan baadhista kiiskaas, madaxda reerka ka tirsanina aanay marnaba u aanoobin falkaas.

Waxaannu aad iyo aad uga xunnahay maadaama ay Beelaha Habar-Awal iyo Habar-yoonis ay yihiin beelo wada dhashay oo ay ka dhaxayso xididnimmo, xigaal, dhaqan iyo deegaanba wanaag iyo sharafina dhex taalo in hadallada noocaas ah ee diifta lihi ka soo baxaan xubno sita magaca sallaadiinta iyo Xildhibaannada Habaryoonis.

Anagoo aaminsan inaanay xubnahaasi ka turjumayn Beelweynta Habaryoonis oo aan la qabin eedaha noocaas ah waxaannu ogsoonahay inay ay siyaasadaysantahay oo cid gaari dano ka leedahay.

Waxa kale oo xukuumadda Somaliland u soo jeedinaynaa kuna adkaynaa inaanay halaynin raadka baadhiseed, gacan bir ahna ku soo qabato ciddii falkaas foosha xun geysatay abaalkeedana geysatay, abaalkeedana mariso oo cadaaladda la horgeeyo.

Salaadiinta iyo Xildhibaannada hadalladaasi ka soo yeedheen waxaannu kula talinaynaa inay ilaaliyaan nabada iyo wada-noolaanshaha shacabka, kana dhawrsadaan abuuritaanka fidmo ka dhex dhalata shacabka walaalaha ah ee nabadgelyada u wada nool.

1. Suldaan Xasan Suldaan
2. Suldaan Maxamuud Suldaan Axmed Sheekh
3. Suldaan Ismaaciil Aadan Xirsi (Baxar)
4. Suldaan Shariif Batuun
5. Suldaan Xuseen Ismaaciil Geele
6. Suldaan Jaamac Cismaan Aadan
7. Suldaan Ibraahin Suldaan Sulub Nuur
8. Suldaan Maxamed Daahir Cilmi
9. Suldaan Mawliid Cali Sabbeeye

Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Boorame,S/Land.