Xubnaha ka tirsan Golaha Amniga Qaranka ayaa maanta ku shiray xarunta madaxtooyada kuwaas oo ka hadlayay marxada arimaha amniga ee uu dalka ku sugan yahay. Kal-fadhigan oo uu shirgudoominayay Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed ayaa wuxu ka warbixin safarkii uu dhawaan ku gaaray goobihii laga xoreeyay argagixisada oo ka tirsan Afgooye.
Intii uu ku guda jiray booqashada, Madaxweyne Shariif wuxuu la kulmay odayaasha deegaanka iyo waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ee degmada Afgooye. Wuxuu kaloo madaxweynaha la kulmay madax ka tirsan dowladda kuwaas oo aad uga mahadceliyay dadaalka ay dowladda ugu jirto sifeynta kooxaha argagixisada ee dhuumaaleysiga ku jooga dalka.
Madaxweynaha wuxuu amaan usoo jeediyay Ciidanka Xoogga Dalka oo muujiyay karti iyo geesinimo. Sidoo kale, ciidanka Midowga Afrika ayuu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo taageero badan u fidiyay shacabka Soomaaliyeed.
Golaha ayaa ka hadalay arimo dhowr ah, oo ay ka mid tahay xaqiijinta amniga goobihii muhiimka ahaa ee dhawaan la xoreeyay, sida degmada Afgooye iyo nawaaxigeeda. Madaxweyne Shariif ayaa carabka ku dhuftay ahmiyada ay leedahay in la balaariyo howlgalada milatari ee looga hortagayo kooxaha argagixisada.
Golaha ayaa wuxuu qaatay sameynta sadex gudi oo wax ka qaban doono arimaha amniga, maamulka iyo adeegga bulshada, gaar ahaan, meelaha la xoreyn doono dhawaanahan. Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la taageero shacabka deegaanka si loo xaqiijiyo guul kama danbeys ah, argagixisadana loo jabiyo.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya.