Taliye xigeenka Qaybta Booliska Borama‏“Madaxweyne Dalka adigaa xukumee ma xukunto UNDP Ee Hoos U Eeg Xukunka Ay Rideen Hay’adaha Garsoorku Ee Fulintaada U Baahan” Taliye xigeenka Qaybta Booliska Borama‏

0
551

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Anigoo ah cismaan warsame Xijaab ahna Taliye ku xigeenka qaybta Booliiska ee G/Awdal waxaan soo bandhigayaa Tabasho la xidhiidha Cadaalad Daradda aan kala kulmay xukuumadda maanta talada Haysa ee aan xilka qaran u hayo taasoo gudashada waajibaadkayga shaqo ee la ii igmaday saamaynteedii ay I dhaxalsiisay illaa heer aan ku waayo wiilkaygii curad Mukhtaar Cismaan Warsame Xijaab oo isaga laftiisu askari ahaa, kadib muddo hadda laga joogo 4 sanno xilagaas oo aan ahaa Taliyaha Qaybta booliska ee Gobolka Awdal ,taasoo ila soo daristay mar aan 29/03/2008 hawlgal ku tagay anigoo ah
taliyaha Qaybta iyo koox booliis ah oo igu wehelisay hawlgalkan kadib markii aan xog ka helnay dadka ku nool deegaanka Awr-gaba oo ku taal buurta libaaxlay dhinaca woqoyina kaga beegan degmada Boon,

hadaba anagoo ka duulayna xogta nasoo gaadhay oo ahayd mid ku saabsan falal argagaxiso, waxaan baadhis kadib ka helnay goobtaas godad lagu kaydin jiray, isla markaana lagu habeeyo miinooyinka iyo walxaha qarxa balse wakhtigaa ka hor laga raray shixnad miinooyin ah taasoo raadadkeedii ay ka muuqato halkaasi Qolofta miinada iyo walxaha qarxa qaarkood, meeshasoo ahayd sida aan warka ku hayno xarun ay argagixisadu u isticmaasho diyaarinta iyo isku duba ridka miinooyinka iyo walxaha qarxa, kuwaas oo qaarkood aan filayo in loo adeegsaday qarax-yadii ka dhici jiray Gobolka.

kooxdaasoo ay sida dadka deegaanku ku war bixiyeen in waxyaabahan ay kala soo degi jireen deegaanka Bulla-caddo oo kamid ah degmada lughaya, arintan ayaa sida lanoo xaqiijiyay ay hawsheeda ku koobnayd laba nin oo wakhtigaa ka tirsanaa Ururka Al-shabaab Haybtooduna ay tahay Bahabar-celi oo mid ka mid ahi muddo dhawayd ciidamada booliska ee Borama ay ka qabteen gudaha magaalada oo hadda ku xidhan xabsiga dhexe ee Borama magaciisana la yidhaahdo Daahir Axmed Cawaale, halka ninka kale ee magaciisu yahay Maxamed Xaashi Dharaar oo falkaas kula jiray aan illaa hadda lahayn.

kadib maalintaas ayaa isla galinkii dambe waxaan kusoo guryo hoyanay isla magaalada Borama taasoo keentay in isla habeen badhkii la dilay wiilkayga Allaha u naxriistee MukhtaaR Cismaan Warsame , inkastoo falka loo qabqabtay
saddex dhlinyaro ah kuwaasoo maxkamadaha saddexda-darajo ee dalku ay xukun dil ah ku rideen sida ay dhigayso shareecada islaamku, hase ahaatee illaa hadda aan la fulin balse fulintu xeer ilaaliyaha guud Maxkamadda sare u
gudbiyay, Madax-waynah S/land-na fulinteeda laga rabay inuu talaabo ka qaado sidii dhagarqabayaasha loo qisaasi lahaa, balse illaa hadda taasi ma dhicin. sidaas darteed madaxweyne waxaan kaa codsanayaa in aad arintaas talaabo sharciga waafaqsan ka qaado, taasoo aniga igu haysa culays weyn oo dhinaca qoyskayga iyo qaraabadayda ah, iina keentay caafimaad darro lasoo darista naftayda,anigana uu dulqaadkii iga sii dhamaanayo, mana rabo in sabab ka timiday xaggayga ay galaafato dad aan waxba gaysan oo lagula kaco Aargoosi taasoo muddo dheer aan anigu hortaagnaa, sababtoo ah xilka qaranka aan u hayo dartiis. markaa madaxweyne dalkan adigaa xukuma ee ma xukunto UNDP ee hoos u eeg warqadda ku hortaalla, ee ka turjumaysa dhibta isoo gaadhay ee xukunka ay hay’adaha garsoorku rideen.

waana arin xasaasi ah oo kamid ah masuuliyadaha qaranka aad u hayso ugu dambayntii waxaan ku rajo waynahay inaad codsigayga iyo go’aanka maxkamada saddexda darajo ah inaad meel mariso .”

Xafiiska Warqabadka warsom.com
Boorame,S/Land