WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
Wasiirka Cadaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid ayaa markii ugu horaysay ka hadlay Weerarkii lagu dhaawacay guddoomiyaha Maxkamada gobolka Maroodi Jeex Cabdirashiid Duraan, kaas oo dablay hubaysani Salaadii subax ee Isniintii ugu gaysteen meel wax yar u jirta gurigiisa isaga oo wakhtigaas soo tukaday.
Mr Xuseen Axmed Caydiid waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, kaas oo tilmaamay inuu ka xun yahay falkaa lagula kacay guddoomiyihii maxkamada gobolka Maroodi Jeex, kaas oo tibaaxayna in dhacdadaasi horseedi karto amaan daro ka dhacda dalka.
Ugu horayn isaga oo ka hadlaya sida uu uga xun yahay falkii lagula kacay Guddoomiyihii Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex, waxa uu yidhi “Marka hore dhacdadii shalay ee ahayd isku day dil lagula kacay Guddoomiyihii Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Cabdirashiid Maxamed Duraan inkasta oo Ilaahay u sahlay oo aan sidii loogu tala galay aanay noqon hadana waxaanu u arkaynaa
dagaaal loola badheedhay garsoorkii dalka anaga oo dhacdadaa aad iyo aad u canbaaraynayna, dhacdo inagu cusub ayey ahayd oo aan hore Magaalada iyo gobolada dalkaba uga dhicin, meelo dalka ka mida sida Laascood oo kale dhacdooyinkan oo kale way uga dhaceen dhibaatooyinka ay gobolkaa u gaysteena waynu ognahay, meelo kale oo aan inaga fogayn oo gobolka ah oo ay
falalka noocan oo kale ahi ka dhacayeen dhibaatoyinka ay sababeen waynu ognahay”.”
Wasiirka cadaalada Xuseen Axmed Caydiid mar uu ka hadlayey sida uu falka noocan ahi dhibaatooyin amaan daro ugu keeni karo dalka, waxa uu yidhi “”Dhacdadanina waa fal hadii uu inagu bato keeni karaya dhib ayna cidina malaynin oo ka qorsheeyey iyo ka ku taageerayna aanay ku badbaadayn xasiloonida dalka ka jiirtaana aan sidaa loogu raaxaysan doonin, falkaasina
waa dhagar ay qaranka ka galeen cidii gashay, cida ku abaabushay iyo cida raali kaga noqotaaba”.”
Xuseen Axmed Caydiid Wasiirka cadaalada oo ka hadlaya shaqada garsoorka iyo sida uu ugu gar naqo dadka ula yimaada dacwadaha waxa uu yidhi “Laba dhinac oo is haya ayuu mar kasta ninka garsooraha ahi u garnaqayaa, laba dhinac oo mid kastaaba dhiniciisa gar isu soo siiyey ayuu u garnaqayaa, laba dhinac oo mid waliba aqoon iyo aduun kaashanayo ayaa u gar qaadayaa iyada oo gartu dhinac uun u dhacayso dhinacna waayayo, sharciga inoo yaalaa waxa weeye dhinaca garta waayaa hadii uu ku qanci waayo waxa u furan in maxkamada ta ka saraysa u racfaan u qaato hadii maxkamada kalana gar siin waydo inuu maxkamada sare u sii gudbo, hadii uu maxkamada sare ku qanci waayana inuu dib u eegis maxkamada sare ah u dalban karo.
Anigu waxaan leeyahay hadiiba cadaaladeena cidi wax ka tirsato waxa inoo furan inaynu dib u eegno, oo qofka arinkiisa dib loogu eegi karo iyada oo maxkamado kala jaada iyo dad kala duwani ay eegayaan waxaanay ila tahay in arinta intaa inoogu filan inaynu gacanteena ku qaadano way fool xun tahay”.”
Sidoo kale wasiirka cadaalada Somaliland waxa uu sheegay in falka lagula kacay guddoomiyaha maxkamada gobolka Maroodi Jeex ay salka ku hayso xukuno maxkamadeed oo uu riday kuwaas oo ahaa shaqo uu ummada u hayo waxaanu yidhi “Waxa loo tirinayaa arintaa shalay dhacday inuu xukuno Maxkamadeed ku lug leeyahay oo garsooraha waxyeeladu ku gaadhay shaqo uu ummada u hayey iyo go’aan uu ka gaadhay waana shaqada ay intaas oo darajo ka furan tahay, oo
laga yaabo hadii uu mid wax si u eegay inuu ka kale wax ka badali karo.
Hadii ninka qanci waayaa uu yidhaahdo arinbaan gacan ku qaadanayaa oo kuwa kale u gudbi maayo dhibaatada inagu imanaysaa yaraan mayso, arinkaa ummada Somaliland si fool xun ayey u arkeen waanay bayaamiyeen.
Garsoorkeena inaynu ku tilmaano mid aan cadaalad laga filayn,ama garsoor aan umada aamini karayn,ama garsoor aan in dacwada lala tago haboonayn waa xaaraan, Garsoorkeenu dhaliil kasta ha yeesho laakin si kale ayaa loo toosisan karaa dhaliilaha ka jira dhinaca cadaalada”.”
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Boorame,S/Land.