Madaxda Dhaqanka Iyo Culimada Oo Xubnaha Golayaasha Kaga Jira Awdal/Salal Ugu Baaqay 14-Ka Bishan Shir Degdeg Iyo Qaylo Dhaan Abaareed Oo Lagu Dhawaaqay‏.

0
432

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Kulan balaadhan oo ay ka soo qaybgaleen Salaadin, Culimo-udiin, duqay iyo waxgarad kale oo ku dhaqan magaalada Boorama oo lagu qabtay Hotel RAYS ee magaalada Boorama ayaa laga soo jeediyay Qaylo dhaan Abaareed oo ku wajahan guud ahaan Abaaraha dabadheeraaday ee ka jira G/Awdal/Salal ee Somaliland.

Waxgaradka iyo culimaudiinka ka soo qaybgalay kulankan ayaa warbixno ka dhegaystay salaadiin soo martay deeganada ay abaaruhu ka taagan yihiin, waxaana kulankaasi lagu soo bandhigay lagagana waramay xaaladaha ay ku sugan yihiin kumayaal qoys oo ay soo barakiciyeen abaaraha ba’an ee ka taagan mudada 4 sano ah deeganada xeebaha iyo buuralayda G/Awdal/Salal ee
Somaliland.

Madaxdhaqameedada iyo xubnaha kale ee shirkaasi ka soo qaybgalay ayaa kulankooda ku falanqeeyay sidii loogu gurman lahaa dadweynaha ku dhibaataysan deeganada ugu daran ee ka tirsan G/Awdal, waxaanay soo saareen qodobo ku aadan sidii abaaraha daba dheeraaday gurmad looga geli lahaa, isla markaana loo samatibixin lahaa kumayaalka qof ee u badan caruurta,
haweenka iyo dadka waayeelka ah ee ku dhibaataysan deeganada Abaaraha ba’ani ka taagan yihiin, isla markaana Abaartu ka faro bixisay xoolodhaqatadii ku noolaa deeganadaas duunyadii ay dhaqan jireen.

Ka dib markii deeganadaasi waayeen mudo Afar sano ku dhaw wax roob ah oo