Mayarka Maamulka Magaalada Jigjiga oo Ku Hawlan Sidii Loo Badhi Gantaali Lahaa Ururka Horumarinta Soomaalida Itoobiya(UHSI).

0
627

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Ka dib intii la aas aasayba ururka horumarinta Soomaalida Itoobiya Qaabdhismeedyada Xukuumadda DDSI ayaa ku hawlan ka qayb-qaadashada Doorka kaga aadan sidii loo xoojin lahaa Qaabdhismeedka UHSI loona badhi gantaali lahaa,samaynta Xeer-nidaamyada,kor u soo Qaadida Dhaqaalaha UHSI iyo Spacekii la dajin lahaa Ururkaba.

Maamulka Magaalada Jigjiga ayaa isagu door fiican ka qaadanaya kor u soo qaadida dhaqaalaha UHSI,islamarkaana kulamo joogta ah la yeelanaya dhamaanba maareeyayaasha 10ka xaafadood ee magaalada jigjiga iyo gudiyada joogtada ah ee hogaaminta ururka horumarinta soomaalida itoobiya si loo wada gorfeeyo hadba hawlaha ururku halkuu marayo iyo sidii loo xalin lahaaba baahida ururka Horumarinta.

Hadaba Maanta ayaa uu Wariyaha CakaaraNews uu ka Qayb galay Kulan balaadhan oo uu Xafiiskiisa ugu Qabtay Maayorka Maamulka Magaalada Jigjiga Mudane Cabdi Daahir Qaasin
oo uu Wehelinayay Maareeyaha Magaalada Jigjiga Mudane Najiib Dhamaanba Maareeyayaasha 10ka Xaafadood ee Magaalada Jigjiga iyo Gudiga Dhaqaalaha ee Ururka Horumarinta Soomaalida Itoobiya(UHSI).

Wariyaha ayaa Tibaaxay in Shirkan Si Xeel Dheer uu Mayorku ugala xaajoonayay masuuliyiinta xaafadaha jigjiga iyo gudiga dhaqaalaha UHSI,islamarkaana uu wax ka waydiiyay Wareeyayaasha 10ka xaafadood ee magaalada jigjiga heerka ay marayaan Soo aruurinta Dhaqaalaha uu UHSI ugu Samaynayo Mashaariicda Horumarineed Xaafad kasta iyo Wacyigelinta iyo Abaabulka Shacabka Xaafaduhu heerka uu marayo.

Maareeyayaasha 10ka Xaafadood ee Magaalada Jigjiga ayaa Carabaabay in Xaafad kastaa ay Ganacsatada Degan Xaafadooda ay Dhigaal lacageed ka soo aruuriyeen,wadar ahaan marka la isku geeyana 10ka xaafadood ay soo Xareeyeen Dakhli lacageed oo kor u dhaafaya Sideed Boqol oo Kun Birr,iyadoona Maamulka Xaafada 10aad ay si nidaamsan oo leh Cadaynta Dhigaalka Bankiga ay soo bandhigeen,inkastoo Dhamaanba 10ka Xaafadood ay ku shubeen Dakhliga lacageed Accounka UHSI.

Mayarka Maamulka Magaalada Jigjiga Mudane Cabdi Daahir Qaasim ayaa ku booriyay Maamulada Xaafadaha iyo Gudiga UHSI in ay Muqadas tahay in Tab kasta oo Dhaqaalaha Ururka HSI kor loogu
soo qaadi karo in la maro,islamarkaana ku Dhawaaqay in Shaqaalaha Maamulka Magaalada Jigjiga in ay ka raali ahaanshahooda ugu deeqeen UHSI bil kasta 5% oo ka mida Mushaarkooda oo laga ansaxin doono Golaha Capinetka Maamulka Magaalada Jigjiga.

Sidoo kale Mayorka ayaa ku nuuxnuuxsaday lagama maarmaanimada in UHSI si deg deg ah loo siiyo Xafiisyo ay ku Gutaan waajibaadkooda Shaqo ee ku aadan Horumarinta Deegaanka Soomaalida Itoobiya,taasooy u hanwayn yihiin Dhamaanba Shacabweynaha DDSI.

Dhanka kale Mudane Najiib oo ka hadlay shirkan ayaa isagu sharxay waaya aragnimadiisa
ku aadan Hanaanka ay u shaqeeyaan ururada dhigiisa ah ururkan u soo gudbiyay,islamarkaana tibaaxay in gudiyada UHSI uu aqoon Kororsi Qaabka Shaqada u gayn doono Magaalada Addis-ababa. Mar uu Soo Gunaanadayay Shirkan Mudane Cabdi Daahir Qaasim ayaa uu Yidhi Anigoo la kaashanaya Xukuumadda Ayaan ka codsan doonaa in Dhamaanba Ganacsatada DDSI shir loo qabto si loo badhi Gantaalo (UHSI),islamarkaana ugu baaqay Dhamaanba Ganacsatada DDSI,Qurbajoogta iyo Shaqaalaha Dawladuba in ay Doorkooda ka qaataan Sidii loo Badhi Gantaali lahaa Ururka Horumarinta Soomaalida itoobiya si uu u kaamil yeelo Hindisihiisa Horumarinta Shacabka Deegaanka.

Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Boorame,S/Land.