WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
Ciidamada Mujaahidiinta Xarakada Al-Shabaab ee Dagaal Kula Jira dowlada Soomaaliya iyo maamulka Ahlu Suna ayaa goor dhow la wareegay deegaanka wabxo ee gobalka Galgaduud.
Qabsashadaani gobalka Galgaduud Ayaa Waxaa La sheegaya dib markii ciidamada Itoobiyaha iyo kuwa Ahlu Suna ay ka baxeen deegaankaasi, Islamarkaana Ay Qeyb ka Tahy Dagaalka Balaaran oo Ay Ciidamda Mujaahidiinta Al-shaab Kula Jiraan Ciidamda Somalida iyo Kuwa Amisom Oo Ay Garab Ka Helayaan.
Warar Ay Wakaalada warsom Heleeso ayaa waxa ay sheegayaan Dadka deegaanka ayaa saaka hadal haaya arintaan waxayna ka cabsi qabaan in uu saamayn ku yeesho isbadalka halkaasi ka dhacay.
Ciidamada Xarakada Mujahidiinta Al-Shabaab waxay horay ula wareegeen degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud Degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan, halkaana waa meeshii sadaxaad oo ay la wareegaan ka dib markii ay ka baxeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlu Suna.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya.