WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
Gabdho Soomaaliyeed oo Muqdisho, gobolo ka tirsan Soomaaliya & qurbaha ku dhaqan ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyey hadalo ka soo yeeray Adna Aadan Ismaaciil oo ka mid ah dadka u ololeeya gooni isu-taaga maamulka Somaliland oo shir lagu qabtay Biljamka oo ay ka jeedisay hadalo gef & meel ka dhac ku ah guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshadda ku dhaqan gobolada Koofurta Soomaaliyeed.
Gabadhan oo soo noqotay marwadda R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Max’ed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa ummadda Soomaaliyeed ku tilmaantay in ay kulligood yihiin argagixiso, burcad badeed, hogaamiye kooxeed & wax aan u
qalmin in sida bini’aadamkii loola dhaqmo, waxaana hadalada ka soo yeeray si weyn uga carooday gabdho Soomaaliyeed oo qoraalo ay na soo gaarsiiyeen aan ka soo qaadanay qeybo yar.
“Drs. Siciido Cabdi Cali” oo ka mid aheyd dadkii naqdiyey hadaladda Adna, ee farriinta na soo gaarsiiyey ayaa sheegtay in maamulka ay sameysteen gobolada Waqooyi ee Soomaaliya markii laga diiday in ay gooni ka noqdaan Soomaaliya in ay u soo jeesteen aflagaadeynta & dhibaateynta ummadda Soomaaliyeed, waxeyna hadalada Adna ku tilmaantay kuwa mudan in lagu qoro diiwaanka taariikhda Soomaaliya.
“Ummaddii ay ka dhalatay ee Soomaaliyeed ayey kala soocday, qabiilka Isaaqaa nasab ayey ka dhigtay, Soomaalidii kelena argagixiso & burcad badeed ayey ku tilmaantay, waxey ilowsan tahay in ninka Alshabaab madaxda u ah inuu ku dhashay gobolada ay sheeganeyso
Xafiiska Warsom.com
Boorame,S/Land