WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
Xaalada caafimaad ee Wariye Maxamed Nuur Shariifka oo xalay Kooxo Hubeysan ku dhaawaceen degmada Xamar Jajab ayaa soo hagaageysa, iyadoo dhaqaatiirta Isbitaalka Madiina ay rajo wanaagsan ka muujiyeen xaaladiisa caafimaad.
Maxamed Nuur Shariifka ayaa labo xabadood ku dhacday qeybta dhabarka dambe iyo xabadka, iyadoo xalay qaliin lagu sameeyay, hase ahaatee xilli dambe ayaa laga soo saaray saaladii qaliinka.
Wararka ayaa sheegaya in laga soo saaray beer yaraha oo ay xabada ka haleeshay, waxaana wariyeyaal xalay ku hoyday isbitaalka ay sheegeen in xaaladiisa ay ka wanaagsan tahay sidii hore.
Wariyeyaal badan ayaa xalay kula hoyday Isbitaalka, iyagoo gacan ka geystay howlihii lagu baxnaaninayay, waxaa jiray dhiig badan oo loo shubay, maadaama uu dhiig badan ka baxay.
Gudoomiyaha degmada Xamar Jajab Maxamed Cali Axmed ayaa sheegay in halka wariyaha lagu dhaawacay ay aheyd goob ciidamada ay ilaalo ka hayeen, hase ahaatee ay si fudud ku dhacday, waxaana uu sheegay in dad badan ay u qab qabteen oo baaritaan lagu haayo.
“Aniga Isbitaalka ayaa ka imid xaaladiisa caafimaad waa wanaagsaneyd, runtii wariyeyaal badan ayaa dhiig u shubay, labo xabadood ku dhacday, waxaa rajeynayaa in Alle uu bogsiiyo”ayuu yiri.
Wariye Maxamed Nuur Shariif ayaa u shaqeynayay Idaacada Bar-kulan ee fadhigeedu yahay Magaalada Nairobi, waxaana Idaacadan oo ay maal geliso Qaramada Midoobey ay taageertaa howl galka nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Isku daygan dil uu ka bad baaday Wariye Maxamed Shariif ayaa qeyb ka noqonaya ugaarsi beryihii u dambeeyay lagu haayay Wariyeyaasha, iyadoo Muqdisho lagu dilay ilaa afar wariye lixdii bilood ee u dambeeyay.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
muqdisho,Somaliya





