WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf oo ka mida saraakiisha Xarakada Alshabaab isla markaana qeybta ka ah xubnaha dowlada mareekanka ay dul dhigtay madaxiisa shan milyan Doolarka Mareykanka ayaa si jees jees ah ugu jawaabay hadalkii Mareykanka uu malaayiin doolar madaxyada 7-ka tirsan Hogaamiyeyaasha Shabaab uu dul dhigay
Isagoo ka hadlayay gudaha Gobolka Shabellaha Hoose ayuu sheegay in aanu isaga is qarineyn, waxaana uu sheegay in naf walba ay saacad leedahay, isla markaana naftiisa ajashadeeda hadii ay soo dhamaato uu dhimanayo.
“Hadii Shan Milyan madaxeyga la dul saaray, nafteyda saacad ayay leedahay, mana dhuumanayo mana is qarinayo, Hadii nala dilay Bush ayaa dagaalka la bilownay, waa isaga hari laheyn, Xaqa ayaa adkaanaya”ayuu yiri sheikh fuaad maxamed shongale.
sheekha ayaa tibaaxay in Mareykanka ay guryahooda ugu tagi doonaan, gabdhahooda ka qaafalnayaan, maalkooda la wareegayaan, isagoo si la mid ah lacagaha madaxooda la dul dhigay, isna si la mid ah cidii soo sheegta Madaxweynaha Mareykanka Obama iyo xoghaayaha arrimaha dibada uqaabilsan dowlada mareekanka madaxooda dul saaray abaal marin.
“Gaalada hadii ay doolar heystaan, anagana xoolo baan heysanaa oo dhaqanaa, madaxyaga hadii malaayiin doolar dul saareen, kow ninka Obama la leeyahay, cidii Mujaahidiinta u soo sheegta 10-neef oo geel baan siineyna, Habarta uu Clinton qabi jiray ee Hillary Clinton waxaan siineyna 10-door iyo 10-diiq”ayuu yiri Fu’aad Shongole.
Mareykanka ayaa bog uu ugu magac daray abaal marinta Cadaalada ku soo bandhigay qiimaha 7-ka tirsan Saraakiisha Shabaab madaxooda lacago malaayiin doolar oo gaareysa 33-Milyan u dul dhigay cidii soo sheegta ama macluumaad ku saabsan heysa halka ay joogaan, iyadoo tallaabadan dad badan ku tilmaameen mid saameyneysa Hogaamiyeyaasha Shabaabxarakada mujaahidiuinta Alshabaab .
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho Somaliya