Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya sheekh shariif sheekh axmed ayaa sheegay in dowlada ay u saartay Guddi heer wasiira ah xalinta waxyaabaha ay tabanayaan Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Odoyaasha dhaqanka soomaaliyeed ayaa dhowaan waxaa ay sheegeen in ay tabanayaan waxyaabo badan oo ay ka midka yihiin qobyada qoraalka dastuurka soomaaliya oo aan la tusin iyo arimo kale waxaana arintaasi ay sheegeen xili dhowaan ay la kulmeen madaxweynaha dowlada KMG ee soomaaliya.
Dhinaca kale Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu ka codsaday Odayaasha dhaqanka soomaaliyeed in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ugu soo gudbiyaan waxa ay tabanayaan Odayaasha si waqtiga harsan loogu soo afjaro khilaafka jira islamarkaana howlaha harsan la sii anba qaado.
Hadalka Madaxweynaha Dowlada KMG ee soomaaliya ayaa waxa uu imaanayaa xili wali uu taagan yahay cabashada ku aadan habka loo soo xulay Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed islamarkaana wakhtiga dowlada KMG wakhti yer uu ka harsan yahay.
Xafiiska Warqabadka warsom.com
Muqdisho Somaliya