WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
Kooxo hubaysan ayaa xalay si bareer ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir dil ugu gaystay mid kamid ah dhalinyarada halkaas kunool.
Labo Nin oo afka soo duubatay ayaa wiilkan dhalinyarada ah ku toogatay Xafada Black-sii ee Magaaladda Muqdisho sida uu sheegay qof kamid ah dadka deegaanka.
Ragii dilkaas gayastay ayaa goobta isaga baxsaday lamana oga sababta rasmiga ah ee ka danbaysay in ay dilaan wiilkan dhalinyarada ah.
Halka dilka uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamo katirsan dowlada KMG kuwaas oo baaritaano ugu hdaqaaqay dukaamada iyagoo sidoo kale istaajinayay dadka wadooyinka maraya.
Dilalka noocaan oo kala ah ayaa ku badan magaaladda Muqdisho iyadoona ay yartahay in ay wax ka qabtaan amaanka ciidamadad dowlada oo xiliyada ay dilalka dhacaan gaara goobta, inkastoo wax kasta Alla dhankiisa ay ka qoran yihiin oo aan la cili karin.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya