Urur Samo-fal oo lagaga dhawaaqay magaaladda Burco iyo oo dalka oo dhan ka hawl-geli doona‏.

0
481

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa lagaga dhawaaqay urur cusub oo ku soo biiray ururda samafalka oo dhamaan ka wada hawlgalidoona goboladda Somaliland.

Munaasibad balaadhan oo lagu daahfurayay Ururkan oo ka shaqayn doona caafimaadka iyo arimaha bulshadda oo ka dhacday Jaamacadda Golis ee magaaladda Burco ayaa waxa ka qaybgalay ,madax ka tirsan Laamaha dawladda ee gobolka Togdheer ,ururadda bulshadda ,axsaabta qaranka ,aqoonyahano ,waxgarad iyo marti sharaf kale kuwaasi oo dhamaantood soo dhaweeyay ururkanoo magaciisa la yidhaado marka lasoo gaabsho SHEADS.

Guddoomiyaha ururkan Somaliland Health Education And Devlopment Service Jaamac Cali Muuse oo faahfaahin ka bixiyay ururkan iyo qaabka uu u shaqayn-d oono ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa .

” Ururkani waxaanu samaynay markaanu aragnay baahiyaha aasaasiga ah ee Somaliland ka jira sidaa awgeed waxaanu ka wada hawlgali-doonaa goboladda dalka waxaanu ka shaqayndoonaa horumarinta arimaha caafimaadka gobolka ,waxbarashadda ,iyo samofalka dadka tabaalaysan iyo waliba isku xidhka bulshadda.

Waxaanu intaasi raaciyay Guddoomiyaha Sheads oo uu sheegay ururkoodu maalmaha soosocda in uu hawshiisa si toos ah u bilaabi-doono isla markaana.

Ururkani ma noqon-doono mid inta lagu dhawaaqay iska tagi-doono balse waxaanu idiin balanqaadaynaa hawsha naloo igmaday in aanu maalmaha soo socda bilaabi-doono ” Sidaasi ayuu hadalkiisa kaga baxay Guddoomiye Jaamac.

Sidoo kale Mubaarik Yuusuf Cilmi oo isna ah madaxa xidhiidhka haayadaha gobolka Togdheer oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay ururkan cusub ee ku soo biiray ururadda samofalka gobolka ,waxaanu u balan-qaaday in uu gacansiin doono intii awoodiidasa ah waxaanu kula dardaarmay masuuliyiinta ururkan in aaney ka niyad jabin hawlaha shaqo ee ay gobolka ka fulin-doonaan.

Badhasaaab ku Xigeenka Gobolka ahna kusimaha Gudoomiyaha Maxmed Maxamuud Yuusuf (Ubaxle) waxaana hadaadiisii ka mid ahaa.

“Waanu mahad naqayaa inamada Ururkan hindisay waanan taageeraynaa,hadad aragto umad Ururo samaysanaysa waa umad hore u socotay,hadana waxaynu maraynaa xili labadii walaalaha ahaa ay laba Xisbi kala Galeen, maanta Qabqabayaashii Soomaaliya way ka dhamaadeen Soomaliland hadalkeeda daa, Intuu Qofku ku Baaqayo Shir Beeleed waxa ka haboon Inuu wax kale ku fekero.

Waxaananu u balanqaadaynaa ururkan cusub maamul ahaan in aanu la shaqaynooo aanu gacan ka siino sidii uu cagihiisa iskugu taagilahaa ” Sidaasi ayuu hadalkiisa kaga baxay badhasaab ku xigeenku .

Waxa kale oo iyana madashaasi ka hadlay oo soo dhaweeyay ururkan cusub Taliyaha qaybta booliska Burco Saleebaan Ducaale Ubaxle (Dhagocade) Xoghayaha Dawladda Hoose ee Burco Aadan Cali Saalax ,guddoomiyaha ururka
NOW ee gobolka marwo Deeqa Waydaar ,Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee gobolka Sahal Aadan ,iyo Gudoomiyaha garabka haweenka ee Kulmiye Sahra-basbaaso.

Waxaaney dhamaantood u balanqaadeen ururkan in ay taageeri-doonaan si uu cagihiisa iskugu taago.

Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Boorame,S/Land