Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Md Aadan Diiriye Cigaal, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in maraakiibtii ay dhawaan ciidamada xeebaha Somaliland xeebta Laasqoray dagaalku ku dhexmaray ay sideen qalab lagu dhisayo dekeda Laasqoray.
Aadan Diiriye Cigaal, oo aanu shalay waraysi gaara la yeelanay isaga oo ku sugan Hargeysa, ayaa sheegay in arrintaasi ay tahay mid ay buunbuuniyeen Puntland iyo dad dano gaara watay oo doonayay in ay halkaa xasilooni daro ka abuuraan, kuwaasi oo la socday maraakiibtaasi.
“Arrintaasi wax alla wax ka jiraa ma jirto, waa arrin been ah oo la buunbuuniyay, Puntland, ayaana buunbuunisay wax ka jiraana ma jiraan, ciidamada qaranka iyo dawlada Somaliland midna ma tegin meeshaasi, cida isku dhacday waxay ahayd dadka deegaanka iyo dad dano gaara watay oo doonayay inay meesha xasilooni daro ka abuuraan oo ahaa kuwii maraakiibtaa la socday”. Ayuu yidhi Md Aadan.
Guddoomiyuhu waxa kale oo uu intaasi raaciyay in xiligan ay degan tahay xaalada magaalada Laasqoray, waxaanu yidhi “hada xaaladu way wanaagsan tahay oo xasilooni ayaa jirta, si wanaagsan ayaana loo mareeyey wax dhibaato ahna kama jirto”.
Mar uu ka hadlayay guud ahaanba xaalada gobolka Sanaag waxa uu yidhi “Guud ahaanba xaalada gobolka Sanaag aad ayay wanaagsan tahay, xili ay ka fiican tahayna ma jirto, dhulkuna waa barwaaqo nabadgeliyaduna way fiican tahay”.
Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Md Aadan Diiriye Cigaal, waxa kale oo uu sheegay in wasaarada caafimaadka Somaliland ay dhawaan kooxo xoolaha ka talaala cudur la sheegay in uu hayo u soo dirtay gobolka Sanaag, isaga uga mahad naqay wasaarada caafimaadka kooxahaasi ay u soo dirtay gobolka sanaag.
“Xoolaha cudur ayay sheegtay Wasaarada Caafimaadku inuu ku jiro kooxo talaala ayayna u soo dirtay Wasaarada Caafimaadka waanan uga mahad celinaynaa Wasaarada kooxaha ay soo dirtay, todoba kooxood ayaana hada gobolka Sanaag ku jira, kuwaasi oo hawsha talaalka xoolaha wada”. Ayuu yidhi Md Aadan diiriye.
Xafiiska warqabadka warsom.com
Boorame,S/Land.