Dawladda Dhexe Isbeddelka Aanu Ka Samaynay Wuu Muuqdaa D/Hoosena..” Jaamac Shabeel

0
1147


WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) ayaa sheegay inay dawlada dhexe ee Somaliland ay isbeddel weyn oo xaga maamulka ah ku sameeyeen, haday tahay kordhinta dhaqaalaha dalka, wax
ka qabashada kaabayaasha dhaqaalaha, kordhinta mushaharooyinka shaqaalaha iyo ciidamada, dardargalinta iyo lacag ka dhaafidda waxbarasharada aasaasiga, waxaanu intaa ku daray inay dawladaha hoosena u soo xuli doonaan xildhibaano tayo leh oo dadka wax u qabta, isla markaana ka soo bixi kara adeegyada arrimaha bulshada.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) waxa kale oo uu sheegay in doorashada golayaasha deegaanka dalka ee inagu soo foolka leh xisbi ahaan (KULMIYE) ay u soo xulan doonaan dad si
dhab ah u xaqiijin kara himiladooda, si waaqi ahna ugu samayn kara isbedel muuqda magaalooyinka dalka horumarina kara adeegyada bulshadu ay u baahan tahay.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Dawan, Wareysigaasi oo dhammaystiranina wuxuu u dhacay sidan:

S. Guddoomiye dhawaan waxaa la filayaa inay dalka ka qabsoomaan doorashooyinka golayaasha deegaanka, waxaanay tii hore ee deegaanka kaga duwan t ahay waxaa doorkan loo codaynaya musharixiinta markaa goormaad soo gudbinaysaan KULMIYE ahaan liiska musharixiintiina, maxaadse ku dooranaysaan?

J. Su’aashadan hadaan laba u kala qaado oo aan ku horeeyo maxaad ku xulanaysaan. Anaga himiladaydu waa isbedel. Isbeddelkna wuu ka muuqdaa dawlada dhexe sida kobcinta dhaqaalaha kordhinta mushaharka shaqaalaha iyo
ciidamada, tayaynta iyo lacag ka dhaafida waxbarashada aasaasigaa horuarinta dhan walba way ka muuqataa isbedelku dawlada dhexe, talaabada labaadna waa in aanu isbedel muuqda ku samayno dawladaha hoose.

Sidaa darteed, isbedel muuqda oo la taaban karo oo ka hana qaada magaalooyinka ayaa aasaas u ah, qodobka aanu ku xulanayno xildhibaanada musharixiinta golayaasha deegaanka.

Markaa waxaanu xulanaynaa dad xaqiijin kara himiladayada si dhabana ugu samayn kara isbedel muuqda magaalooyinka dalka horumarina kara adeegyada bulshada.

Ta labad ee ah goormaad liiska soo bandhigaysaan horta liis la soo bandhigaa ma jiro ee liiska xisbigu wuxuu u gudbiyaa Kumishanka.

Kumishankaana sheega xilliga la soo xaraynayo liiska markaa horta Kumishanku ha ku dhawaaqo xilliga liiska musharixiinta golayaasha deegaanka loo gudbinayo markaa wakhtiga ay qabtaan ee ay cayimaan ayaanu sharciyan
xaraynaynaa liiska musharixiinta, laakiin salaad aan la joogin aqiimi mayno sida ururadan yar yar ee ku dawakhay liisbaanu soo saaray.

Waxbana tarimayso boqol qof oo inta qado loo qado nina is dhex taago oo uu yidhaahdo musharax baan ahay oo loo sacab-tumo waana waxyaabaha dadka lagu dawakhiyo.

Ta labaadna anagu ma nihiin sida ururadan yar yar icitiraaf doonka ah ee waxaanu nahay xisbigaa gaamuray oo dadkiisii haysta.

S. Guddoomiye waxaa jira xubno aad imikaba ku leedihiin golayaasha deegaanka, xubnaha ma soo celinaysaan?

J. Anaga ujeedadayadu waa taa tan kuu sheegay oo waa isbedel kuna odhan maayo waanu soo celinaynaa iyo soo celin mayno, marka horebana way yaraayeen xubnahaanu ku lahayn.

S. Guddoomiye waxaa jirta muran badan oo xaaga dhulka ah, arrintaa sidaad xalkeeda u keenaysaan?

J. Arrintaa dhulku waxay u baahan tahay sharicga oo la fuliyo dhibta kaliya ee arrintaa dhulka ka jirtaana waxaa weeye ku dhaqan la’aan xaga sharciga ah, waxaanan mushkilada arrintaan ku xalinaynaa in aanu sharciga fulino oo
marba qof ka xafiiska joogaa aanu siduu doono ugu dhaqmin balse sharciga dhulka lagu dhaqmo.

Ta kale waxaan suurogal ahaynba in aan gacanta dawladda dhulba ku jirin, imika haday dawlada u yimaadaan shirkadii maalgashadayaal ahi, markaa ruqsada la siiyo waxay noqonaysaa inay dhulkana iibsadaan, tasina suurogal
ma’aha markaa anagu sharciga dhulka ayaanu fulinayna.

Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Boorame,S/Land