Iska hor imaadkaan ayaa geystay qasaarooyin isug jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray ciidamadii dagaalka uu dhax maray waxaana iska hor imaadkaan uu yimid ka dib markii maleeshiyaada ay isku qabsadeen lacago baad ah ee ay ka qaadaan gawaarida isticmaasha gudaha Degmada Darkeynley
Inta la ogyaha waxaa iska hor imaadkaasi ku geeriyooday 4 ka mid ah maleeshiyaadkii iska hor imaadka uu dhax maray halka 3 kalana ay ku dhaawacmeen waxaana maalmihii ugu dambeeyay Degmada Darkeynley ku soo badanayaa iska hor imaadyo u dhaxeeya maleeshiyaadka degmadaasi ku sugan iyadoona dad rayid ay ku wax yeeloobaan mararka qaarkood iska hor imaadyada ka dhaca Degmadaasi
Waxaana had iyo jeeraale maleeshiyaadka ay u geystaan dhibaatooyin dadka rayidka ee ku dhaqan Degmadaasi shalay ayay aheyd markii 2 ka mid ah Ganacsatada Degmada Darkeyley oo aanan jirin ilaa iyo iminka cid wax ka qabatay maleeshiyaadkii ka dambeeyay dilalka loo geystay ganacsatadii lagu dilay Gudaha Degmada Darkeynley ee Gobolka Banaadir
Wararka Soomaaliya (Warsom.com)
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641