La taliyihii Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cismaan Siciid Jaamac oo ka mid ahaa masuuliyiintii mudada u xidhnaa eedaymaha musuqmaasuq isla-m) arkaana doraad maxkamada gobolka Hargeysa ku riday xukun xadhig iyo ganaax isugu jiray ayaa shalay la siidaayey.
La taliyihii hore ee Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cismaan Siciid Jaamac oo isaga si gaar ah maxkamadu ugu xukuntay 1 sano oo xadhig ah iyo 3 Milyan oo lacagta Somaliland ah oo ganaax ahaa ayaa ooda laga qaaday ka dib markii uu iibsaday xadhigii sanadka ahaa ee lagu xukumay isla-markaana bixiyay ganaaxii loo jarayba.
Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa Wargeyska madaxa-banaan ee Waaheen xalay u xaqiijiyey in masuulkaasi la siidayay ka dib markii uu buuxiyey shuruudii ahayd inuu bixiyo lacagta uu ku iibsanayo xadhigiisa iyo ganaxaaba, markaa ka dibna uu si Madax-banaan u dhex mushaaxo dadkiisa.
Cismaan Siciid Jaamac ayaa ka mid ahaa saddex masuul oo Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu mar kaliya xilka ka xayuubiyey 10-kii bishii Saddexaad ee sanadkan 2012-ka, ka dib markii lagu eedeeyay inay lunsadeen raashin mucaawimo ahaa oo dawlada Cumaan ugu
deeqday dadka danyarta ah ee reer Somaliland.
Cismaan ayaa mar lala xukumay badhasaabkii hore ee gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji) iyo Agaasimihii guud ee wasaarada dib-u-dejinta Somaliland Axmed Cilmi Barre, balse xukunkooda ka dib ilaa hadda wax war ah lagama hayo inay iyaguna iibsan doonaan xadhiga maxkamadu ku xukuntay iyo in kale, balse wali way xidhan yihiin, halka saaxiibkoodii saddexaad uu xoriyadiisii dib ugu soo ceshaday lacag cadaan ah oo uu iskaga furdaamiyey xukunkiisii.”
Xafiiska Warqabadka warsom.com
Boorame,S/Land