Ciidamada illaalada xuduudaha Somaliland ee ku sugan Magaalada ku taalla soohdinta Somaliland ee dalka Djibouti , ayaa wakhti dambe oo xalay ah qabtay maandooriyaha Xiishiishada oo laga keenay Djibouti loona waday dhinaca Somaliland.
Maandooriyaha ay ciidamada qabteen lagu sheegay in uu dhan yahay 25 KG oo ah xashiishad ah , ayaa ay wateen laba nin oo lagu hayo saldhiga booliska ee Lawya-cado,iyada oo ciidamada ay suurtagelisay in ay qabtaan maandooriyaha baadhitaano ay habeenkii ka sameeyaan dhulka ku teedsana xadka .
Ragga Xashiishada lagu soo qabtay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdi Jaamac Cabdile oo da’adiisu tahay 35 jir ah iyo Axmed Cabdi faarax 31 jir ah kuwaasoo la sheegay in caawa loo gudbin doono Magaalada Saylac oo la filayo in ay ka bilaabanto dacwadoodu.
Mar aan isku daynay inaan la khadka telefoonka kula xidhiidhno Taliska ciidanka booliska ee gobolka Selal ayaanay noo suurto galin. Si kastaba ha ahaatee Taliska ciidanka booliska ee gobolka Selal ayaan wax war ah ka soo saarin hawlgalka ay ku soo qabteen raggan iyo maandooraha ay siteen .
Xafiiska Warqabadka warsom.com
Boorame,S/Land