R/Wasaare Farmaajo oo hada socdaal ku maray Dalka Mareekanka ayaa hadal uu u jeediyay dadka ku dhaqan Magaalada Mayaami ee Dalka Mareekanka ayaa sheegay in hanjabaad ay kaga timid xarakada Mujaahidiinta ee Al Shabaab ka dib dilkii Sh. Osam Bin ladin
R/Wasaaraha Soomaali Amerikanka Farmaajo oo hadalkiis sii wata ayaa sheegay in loogu hanjabay in la dili doono asiga iyo madaxweyne Shariifka Soomaliya sidaas awgeed waxaan codsaneynaa in nala caawiyo si aan ugu hortagno hanjabaada Mujaahidiinta Al Shabaab
Dhanka kale R/Wasaare Farmaajo oo la hadlayay wargeysyada dalka Mareekanka ka soo baxa qaarkiisa ayaa ka codsaday Dowladda Mareekanka in TFG-da iyo ciidamada Shisheeye laga caawiyo Duqeymo dhanka cirka ah isagoona sheegay in lagaga maarmaan ay tahay in helaan caawinaad xaga cirka ah uu sheegay in la doonayo in lala beegsado xarumaha Mujaahidiinta ay ku leeyihiin gudah Dalka Soomaaliya.
Wuxuuna Xusay in Mujaahidiinta Soomaaliya Halis ku yihiin danaha Dalka Mareekanka Ee Caalamka uu ka leeyahay
Hadalkaan ka soo yeeray Soomaali Ameerikaanka Farmaajo ayaa wuxuu ku soo beegmayaa Xilli cadaadis fara badan ay soo wajahday xukuumadiisa oo waqti yar ay ka harsantahay
Wararka Soomaaliya (Warsom.com)
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641