Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-Indho Oo Ka Mida Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland Ayaa Ka Hadlay Eedaymo Loo Soo Jeediyay Isaga.
Xildhibaan Indho-indho ayaa jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo isaguna ka tirsan Golaha Guurtida kaasoo saxaafada ugu jawaabay dhaliil,iyo tallo uu xukuumadda u jeediyay Xildhibaan Indho-indho.
Ugu horayn Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho waxa uu ku dooday inuu xukuumada hoga-tusaalayn iyo toosin la xidhiidha gaabiska xukuumada ee dhinacyada waxqabadka iyo siyaasada ee gobolka uu metelo ee Sool iyo Buuhoodle la xidhiidha.
Waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay; Ma garanayo xilli uu noqday Afhayeenka Xukuumada Dheeg,Anigu Madaxweynaha ayaan la hadlayay.
Marka laga tago cashuurta ka soo baxda Kalabaydh iyo Berbera, Laascaanood waa gobolka Saddexaad ee cashuur mug lihi ka soo baxdo. Hadii aanu Xildhibaanku war hayn dakhliga saddexaad ee wadanka weeyaan Laascaanood, dawladnimadiina way joogtaa Laascaanood meel 50 KM ka shishaysa ayay joogtaa dawladnimadu, halka uu leeyahay gobolkiisii muu keenin iyada oo Puntland jirto ayaa xabad lagaga saaray, gobolkaygii waa Somaliland, waanu ka shaqaynay sidii uu Somaliland u noqon lahaa.
Xildhibaanka waxaad moodaa in aanu caasimada dhaafin oo aanu dalka ka war hayn, Xildhibaankuna waxa uu u muuqdaa mid la soo kiraystay oo la yidhi Indho u jawaab
Sharafna iima ahain aan ka hadlo wuxuu ka hadlayay. Ayuu yidhi Xildhibaan indho.
Waxa kale oo farta ku fiiqay in Golaha Guurtidu ka gaabiyay waajibaadkiisa sharci ee uu qaranku u xilsaartay Golaha Guurtidu waa inay ka shaqeeyaan xilkii iyo waajibaadkii saarnaa, oo sidii nagu dhacday markii aanu galnay arrintii kalshaale iyo Ceerigaabo, cida na ortaaganina waxa weeyaan Wasiiro ayuun baa shaqadayadii nagu haysta oo toodii ilaaway. Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan.
Waxa kale oo si toos ah uga jawaabay guur-guur dhinaca mabda a xisbiyada ahoo uu Xildhibaan Dheeg ku tilmaamay inuu yahay mid guurguura oo kolba xisbi gala, Inuu Siilaanyo Madaxweyne Noqodo ayaan Rayaale uga tagay, isna Siilaanyo ayuu ka soo horjeeday inuu Madaxweyne noqdo, Aniga UDUB ka guurey oo KULMIYE u guurey wixii aan doonayeyna waan helay, haddii aan arrinkii reerka (Dhulbahante) kala hadlayna adiga waxba kaama gelin.
Ugu dambayntii, waxa uu Xukuumada iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka raali-geliyay hadalkiisa oo uu tilmaamay in la dhibsaday, isla-markaana xukuumadu ay ka dambayso jawaabta uu saxaafada u mariyay Xildhibaankan ay isku Golaha yihiin. Hadii ay Madaxweyne noqotay ceeb iyo dhibaato saamigii aad beelaha kale ka siisay Somaliland naga sii arrintaas waan kaa raali-gelinayaa.
Madaxweyne adigaa Buuhoodle lagaa soo doortaa oo gobolka Togdheer ayay ka mid tahay ka shaqee xalkeeda adigaa igaga fiican hadii aad dhibsatay xaal baan kaa siinayaa.
Wixii aan idhi hadii ay qalooc ahayd xaal baan ka bixinayaa oo Xildhibaan Dheeg yaanu aniga I soo daba-galin oo aanu I caayin, inkasta oo aanay ceebtiisu aniga I dhibayn oo uu Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Madar oo umada ugu mudnaaba Shaydaan ku sheegi jiray.
Haday ceeb noqotay aan ka hor-tagno dadka inaga soo horjeeda ee beeshayada ah ee Somaliland diidan Dheegna taas iguba soo weeraray iyadana raali-gelin baan ka bixinayaa. Wax danbena Madaxweyne odhan maayee xumaan iyo samaan meeshii waa taas adigaa leh ee kulama lihi.
Xafiiska Warqabadka warsom.com
Boorame,S/Land