Madaxweynaha dalka Tanzania Jakaya Kekwet ayaa balan qaaday inay taageero buuxda ay dowladdiisa siin doonto dalka Somalia kana taageeri doonto dhan kasta.
Sido kale Madaxweyne Jakaya Kekwete ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka taageeri doonto xukuumadda Somalia dhinacyada dhismaha hay’adaha dowladda iyo sidii ay ciidamada Somalia ay u taageeri lahayd dhinacyada tababarada.
Madaxda labada dal ayaa dhawaan kulan ku qaatay dalka Tanzania kadib madaxweyne Shariif Sheekh Axmed uu socdaal ku tagay dalka Tanzania isagoo ka codsaday dhigiisa Tanzania inuu ka taageero dhinacyada dib u dhiska,Siyaasadda iyo sidii deganaansho loogu soo dabaali lahaa dalka ku yaallo geeska Afrika ee Somalia.
Sheikh Shariif ayaa ka dalbaday in la xoojiyo xiriirka siyaasadeed ee ka dhaxeeya labada dal iyo muwaadiniinta Somalia iyo Tanzania ay dhexmarto iskaashi.
Balanqaadka madaxweynaha dalka Tanzani Jakaya Kekwete ayaa ka dambeysay kadib markii madaxweynaha Somalia shariif Sheekh Axmed uu safar ku tagay dalkaas kana codsaday in taageero ay siiyan dowladdiisa.
Dowladda Somalia ayaa diyaarinayso dastuur cusub oo looga gudbayo marxaladda kala guurka KMG yadoo bisha August lagu wado in la dhiso xukuumad cusub.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com