Booliska Dalka Uganda oo Gacanta Ku dhigay Ruux Looga Shaki Qabo Inuu Ka Tirsan yahay Xoogaga Al-Qaacida.

0
494


WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Ciidanka booliska dalka Ugandha ayaa xeray nin looga shakisan yahay inuu ka tirsan yahay koox Argagixiso ah waxaana ay ku hayaan saldhig Boolis oo ku yaallo dalkaas.

Ninkaan Eedeysanaha ayaa lagu sheegay magaciisa Xuseen, waxaana Booliska ay  rumaysan yihiin inuu yahay mid kamid ah ilaa saddex nin oo ay baadi goobayeen dalalka Bariga Afrika ku yaalla.

Afhayenka 2-aad ee Booliska Ugandha oo lagu magacaabo Judith Nabakooba ayaa sheegay in Xuseen iyo labo nin kale ay soo galeen dalka Ugandha oo ay kasoo galeen dhanka magaalada Busia iyagoo la sheegay inay rabaan inay weeraro ku qaadaan Ugandha.

“Doorka dadaalka nabadda ay dowladda Ugandha ka wado Somalia ayay diidan yihiin kooxaha argagixisada waana sababta ay Xuseen iyo labadaan nin kale ay u qorsheynayaan inay weeraro ku qaadaan meelo ka mid ah dalka Ugandha ayuu yiri
Judith Nabakooba.

Ciidamada amaanka Ugandha ayaa sheegay in rag ka tirsan ururka Al Shabab ay qorsheynayaan inay weeraro ku qaadaan dalka Ugandha oo ciidamo nabad ilaalin ah ka joogo Somalia kuwaas oo dagaallo kula jira ururka Al Shabab ee ka dagaalama dalka Somalia.

Booliska dalka ugandha ayaa todobaadkii hore daabacay mid kamid ah sawirada saddexaan nin kaas oo raba inuu dalka Ugandha kasoo galo dhanka xadka magaalada Busia.

John Ndugutse oo ah Taliyaha Booliska la dagaalanka Argagixisada dalka Ugandha ayaa ugu baaqay dadka reer Ugandha inay feejignaadaan isla markaana ay Booliska ay kusoo
wargaliyaan ama ay lasoo xiriiraan ciddii ay ka shakiyaan.