Wasiirada Beeraha,Maaliyada Iyo Arimaha Gudaha Oo 13Gudoomiyayaasha Gobolada Somaliland Kulan Dakhli Ururina Ugu Qabtay Hotel Maansoor Ee Magaalada Hargeysa.

0
496


WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale oo ay wehelinayaan Wasiiradda Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale Duur iyo Beeraha Faarax Geedoole ayaa maanta sadex iyo tobanka Badhasaab ee Dalka Huteelka Maansoor ugu qabtay kulan lagu Gorfaynayo sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen Dakhli Ururinta Miisaanayadda 2012-ka.

Kulankan oo socon doona Maanta oo kaliya waxa furay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale, waxaanu Badhasaabada Gobolada kaga dalbaday inay goobaha Dakhli Ururinta ee Goboladooda si fiican uga hawlgalaan, isagoo sheegay iskaashi buuxa in looga baahan yahay Sadexda Wasaaradood ee Maaliyada, Arrimaha Gudaha iyo Beeraha.

C/casiis Samaale waxa uu Badhasaabada iyo labada Wasaaradood ee kaleba u sheegay kulanka maantu inuu khaas u yahay sidii loo soo xarayn lahaa Cashuuraha Beeraha Dalka oo uu sheegay inay ku qoran yihiin Odoroska Miisaniyadda Dakhli aad u badan oo loo qoondeeyay in laga soo xareeyo.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Faarax Cilmi Geedoole oo ka hadlay oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay Dawladda Dhexe inaanay awal hore qaadi jirin ee ay Dawladaha Hoose qaadi jireen, waxaanu u soo jeediyay badhasaabada in ay ka qayb qaataan sidii loo soo ururin lahaa cashuurta beeraha Gobolada ay ka taliyaan.

Wasiir Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa isna sheegay dawladi inaanay dhisnaanayn haddii aanay Cashuur qaadin, waxaanu badhasaabada ku dar-daaray inay wasaaradda Maaliyadda kala shaqeeyaan sidii Odoroska Miisaaniyadda loo soo xarayn lahaa.

Badhasaabada gobolada Sanaag iyo Sool oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay duruufo qalafsan inay ku shaqeeyaan maamul ahaana aanay awoodin in ay cashuur soo ururiyaan, iyagoo ku dooday dhaqaalaha ay helaan inaanu ku filnayn.”

Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Boorame,S/Land