WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
Ciidamada dowlada KMG ayaa gacanta kusoo dhigay waxyaabaha qarxa kadib howlgalo ay ka sameeyeen deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Magaaladda Muqdisho.
Waxyaabahan qarxa oo aad uculus ayaa laga helay labo xaafad oo ay Shabaab-ka kaga sugnaayeen deegaanada Ceelasha sida uu sheegay Taliyaha dambi-baarista ee CID-da, General Cabdullaahi Xasan Bariise ahna Afhayeenka ciidamada Booliska.
“Howlgal ay ciidamada sameeyeen waxaa ay kusoo qabteen walxaha qarxa oo aad ubadan”ayuu sheegay Bariise ioo lahadlay saxaafadda.
Sidoo kale howlgalo ay sameeyeen ciidamada waxaa ay gacanta kusoo dhigeen Bambooyin iyo hub kale oo ay Shabaab kaga tageen deegaanada duleedka ah ee Muqdisho.
C/lahi Xasan Bariise ayaa tilmaamay in ay sii socon doonaan howlgallada noocaan oo kala ah inta laga xaqiijinayo amaanka duleedka Muqdisho.