Wasiirka Madaxtooyadda oo u baqoolay Kenya iyo Raysal Wasaare Odinga oo casuumay Madaxweyne Siilaanyo.

0
544


WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Wasiirka wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa maanta u kicitimay   dalka Kenya oo uu sheegay inuu socdaalkiisu gogol xaadh u hayay wefti uu Hoggaamin doono Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ku tagi doono dalkaasi oo uu ka helay martiqaad rasmi ah.

Wasiirka Madaxtooyadda oo maanta ka dhoofay madaarka Berbera, oo saxaafadda ugu waramayay halkaasi ayaa sheegay inuu socdaalkiisu salka ku hayo gogol xaadhka socdaalka madaxweynuhu ku tagi doono dalka Kenya oo uu tilmaamay inuu madaxweynuhu martiqaad ka helay Raysal wasaaraha Kenya Railla Odinga.

Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in qasdiga Socdaalka Madaxweynaha ee Kenya uu qeyb ka yahay iskaashiga ay Somaliland la leedahay dalalka gobolka iyo mandaqadda Geeska Afrika.

Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan wuxuu tilmaamay in Somaliland iyo Kenya ka wada hadli doonaan sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal, isla markaana ay Somaliland ay wadammadda gobolka ugala shaqayn lahayd dhinacyada nabadgelyadda iyo horumarkaba.

Marti-qaadkan rasmiga ah ee Raysal wasaaraha Kenya u fidiyay Madaxweynaha Somaliland ayaa qeyb ka ah qorshe ay Somaliland dedaal xoog leh ugu jirto inay xubin sharafeed ka noqoto Urur-goboleedka IGAD oo dhawaan ay u qadintay dalab ku wajahayn sidii ay xubin uga noqon lahayd urur-goboleedkaasi.

Waxa kale oo socdaalka Wasiirku ku soo beegmay iyadoo wefti Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) uu hoggaaminayaa ay ku joogaan dalka Jabuuti, waana socdaalo ujeedooyinkoodu isku xidhan yihiin oo xukuumadda Axmed Siilaanyo ay ku qaaday dalalka gobolka.

Xafiiska Warqabadka warsom.com
Boorame,S/land