Magaalada Idmanton ee Dalka Canada oo Wiil Soomaaliyeed Rag Hubeysan Toogasho Ku Dileen.

0
710

Wararka ka imanaya magaalada Idmanton Gobolka Alperto ee dalka Canada  ayaa sheegay in rag hubeysan ay toogasho ku dileen muwaadin Soomaaliyeed mid kalana dhaawacay.

Bashiir Xaaji Cali oo ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Canada ayaa sheegay in dadkii ka damebeyay dilka  wiilkan Soomaaliyeed ay goobta ka baxsadeen.

Waxaa soconaya baaritaan la xiriira dadkii hubeysnaa ee ka dambeeyay dilka iyo dhawaca magaalada Idmanton loogu geystay Soomaalida, isla markaana baaritaano ay wadaan.

Dalka Canada gaar ahaan Gobolka Alperto oo Soomaalida ay ku badan tahay ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilalka loo geysto dhalinyarada Soomaalida ah, waxaana taasi ay sababtay in Waalidiin farabadan ay carruurtooda dib ugu soo celiyaan Soomaaliya.