Wasiirkii hore ee amniga maamulka Puntland general Khaliif Ciise Mudan ayaa maanta isbitaal kuyaala dalka Turkiga ugu geeriyooday cudurka Coronavirus iyadoo muddooyinkii ugu dambeysay xaaladdiisa caafimaad aad looga deyrinayay.
Marxuumka ayaa kamid ahaa murashixiintii u tartamay xilka madaxweynaha Puntland sanadkii 2019. Wuxuu hadda kamid ahaa La taliyayaasha gaarka ah ee madaxweyne Deni.
General Khaliif ayaa katirsanaa saraakiil kooban oo loo xilsaaray dib u dhiska iyo tayaynta ciidamada Puntland maadaama uu aqoonta durugsan u lahaa arrimaha ciidamada, isagoo kamid ahaa saraakiishii kacaanka.
Geeridiisa ayaa kusoo beegantay iyadoo maalmo kahor uu dalka Turkiga ku geeriyooday afhayeenkii Isimada Puntland Garaad Cabdullaahi Cali Ciid Iyadoo Tacsi Tiiraanyo Leh ay Maanta Direen Madaxda Shan Daladood oo Maanta Muqdisho Shir ku Lahaa kuwaas oo Kala ahaa Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Hormuud Qaran Cali Maxamed Nuux Timajilic iyo Madax Kale.











