Xukuumada Somaliland Oo Ku Guuldaraysatay In Visa La Siiyo Wasiir Xaabsade Oo Ka Mida Ergadii Loo Xulay Inay U Matalaan Shirka Turkiga.

0
555


Maamulka Silaanyo uu ku guuldareystay inuu dal ku gal loo siiyo mid ka mid ahaa xubnihii uu maamulkaasi u xushay iney u matalaan shirka ka socda magaalada istanbul ee dalka Turkiga.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Wasiirka Hawlaha Guud ee maamulka Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade oo ka mid ahaa afartii Wasiir ee uu Mr. Siilaanyo u magacaabay inay ka qayb galaan shirka uu dalka Turkigu magaaladda Istanbul ugu qabanayo kooxaha Somaliya ayaa ka baaqsaday inuu raaco sadexda wasiir ee kale, waxaana lagu sababeeyay baaqashadiisa isagoo sitay baasaborka Somaliland kaasoo ilaa hadda aan la heyn dal aqoonsado Basaboorkaasi.

Safaarada Turkiga ee Addis Ababa iyo Jabuuti ayaa u sheegay saraakiisha ka socotay Xukuumada Somaliland inaysan dal ku gal siin karin mid ka mid ah xubanaha maamulkaasi u xushay safarka Istanbul, waxeyna sheegeen in 3-da kale oo watay Baasabor dalalka reer galbeedka ah la siiyay, hase yeeshee mid kale lagu wargeliyay inuu keensado baasabor Soomaali ah ama mid kale oo la aqoonsan yahay.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland Maxamed Cabdilahi Cumar ayaa la sheegay inuu ka duulay magaalada Berbera, isgaoo ku sii jeeda magaalada Dubai halkaasna ka raaci doono diyaarad Turkish airlines.

Laba ka mid ah sadexda Wasiir ee kale oo kala ah Wasiirka Qorshaynta Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Arrimaha Dibeda Maxamed C/laahi Cumar ayaa iyagu ka dhoofay madaarka magaaladda Berbera halka Wasiirka Macdanta, Biyaha iyo Tamartu uu wali maqan yahay.

Xafiiska warqabadka warsom.com
Hargeysa