Allaha U Naxariistee Fannaanadii Caanka Aheyd Saynab Xaaji Cali Baxsan oo Goordhaw Muqdisho Ku Geeryootay.

0
873

Allaha U Naxariistee Waxaa Magaalada Muqdisho Goor Dhaw oo Galabta ah Ku Geeryootay Magaalada Muqdisho Sida ay Noo Xaqiijiyeen Qaar Kamida Eheladeeda.

Allaha U Naxariistee Fannaanada ayaa In Dhawaalaba Ku Xanuunsaneyd Magaalada Muqdisho Kadib Xanuuno Is Biirsadey Waxaana La Filayaa In Magaalada Muqdisho Lagu Aaso Waxaana Lagu Xasuusan Doonaa Heeso Badan oo ay Qaadey Waxeyna Ka mid aheyd Hobolada Waaberi.

Waxey Aheyd Qof Furfuran,Gacan Furan aad u Calool Jilicsan oo Naxariis Badan Allaha u Naxariisto Xabaashana Ha U Nuuriyo Jannadana Rabi ha Ugu Deeqo.(Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun).