Raysal wasaaraha dalka Jabuuti Md. Dalayta Maxamed Dalayta oo ay weheliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirradda ee jabuuti ayaa maanta si diiran ugu soo dhaweeyay madaarka Jabuuti weftigii uu Hoggaaminayay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo socdaal shaqo ku jooga dalkaasi.
Weftigan uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici waxaa si diiran oo hab maamuus dawladeed ah ugu qaabilay uguna soo dhaweeyay madaarka magaalada Ja buuti Ra’isal wasaaraha dalka Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Dilayte Maxamed Dilayte,Wasiirada Beeraha,Dhaqanka,Iyo Gaadiidka,Saraakiil ka tirsan Xisbiga Talada Dalkaasi xukuma, iyo madax kale oo dawlada Jabuuti ah.
Madaxweyne ku xigeenku ayaa socdaalkoodu qaadan doonaa muddo sadex cisho ah isla markaana ay soo booqan doonaan xarunta isgaadhsiinta ee jabuuti telecom iyo marsada weyn ee magaalada Jabuuti.
Booqashadan Madaxweyne ku xigeenka ayaa noqonaysa tii kowaad ee uu dalka dibadiisa ku tago intii ka soo wareegtay markii loo dhaariyay xilka madaxweyne ku xigeen ee wadanka.
Waxa la filayaa inay kulamadda u horeeya Madaxweyne Ku xigeenka iyo weftigiisu ay la yeelan doonaan masuuliyiinta Jabuuti maalinta bari, iyadoo madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle uu ku maqan yahay shirka Turkigu magaaladda Istanbuul ugu qabtay Soomaalida.
Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland waxa socdaalkiisan ku weheliyay Wasiirradda Wasaaradaha Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Cali Cilmi Geelle, Wasiirka Warfaafinta Md. Cabdi Yuusuf Ducaalle (Boobe), Wasiirka Duulista Hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Guddoomiye Ku xigeenka sadexaad ee xisbiga KULMIYE Md. C/Raxmaan Maxamed Talyanle iyo Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka.
farxaan saleban”maskaro”
Xafiiska Warqabadka Warsom.com





