Warbixin La Daabacey oo Tilmaameysa Inta Qof ee Burcad Badeed Soomaali ahi Qafaasheen Shantii Sano ee Lasoo Dhaafay.

0
650
Inkastoo aan Lasoo Qaadin Inta Burcad Badeednimo Loo Qabsadey ee Soomaali ah Hadana Warbixintu Waxey Tilmaameysaa In Badda Soomaaliya Loo Gacan Baneeyo Kuwa Sida Sharci Darada ah Uga Kaluumeysta,waxeyna Warbixintu Ku Bilaabaneysaa:-
Shantii sano ee u dembeysay kooxaha Soomaalida ah ee burcad badeedka ah ayaa waxay Af-duubteen dad gaaraya 3600 oo ruux , iyagoo qafaalay una qabsaday madax furasho, waxayna  lakala socdeen maraakiib iyo doonyo kala duwan oo gooshayay biyaha Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ahba.

Hadda guud ahaan waxaa meesha ka baxay kooxahaasi, waxayna biyaha Soomaaliya noqdeen kuwa ammaan ah, sida ay sheegtay hay’adda caalamiga ah ee badaha IMB, waxay sidoo kale qeexday, in aysan jirin dad ay haaystaan dad burcad badeed ah gudaha Soomaaliya, waxaana u dembeeyay seddex ruux oo u dhashay dalka Iiraan oo dhowaan lasii daayay.

Seddexda qof ee lasii daayay ayaa ka shaqeynayay marka FV Siraj waxaana lagu afduubtay Hobyo, bishii Maarso, waxayna hadda kusii jeedaan dalkooda, kadib markii loo dhammeeyay baaritaannadii la xiriiray COVID-19.

Dhinaca kale hay’adda IMB waxay soo dhoweysay shaqaalaha markabkaas ee dib u helay xorriyaddooda, waxayna sidoo kale ka digeen in weli Maraakiibta maraya meelaha ku dhow biyaha Soomaaliya ay qabaan feejignaan xooggan,.

Ciidamada badda ee caalamiga ah ayey IMB sheegtay in loo baahanyahay iney weli sii joogaan biyaha Soomaaliya, si markina uu u noqdo mid ammaan ah .

Waxaa weli muuqanaya in kooxaha wax afuubta ee burcad badeedka Soomaaliyeed ay sahli karaan iney weli sii wadaan afduubka iyo weerarka maraakiibta .
Illaa iyo hadda si rasmi ah looma soo werin wax weerar ah oo ka dhacay biyaha Soomaaliya sanadkii tegay iyo lixdii bilood ee hore  ee sanadkan , balse sanadkii 2018-dii waxaa la weeraray seddex markab, laakiin ugu dembeyn waa lasii daayay.