Hadda guud ahaan waxaa meesha ka baxay kooxahaasi, waxayna biyaha Soomaaliya noqdeen kuwa ammaan ah, sida ay sheegtay hay’adda caalamiga ah ee badaha IMB, waxay sidoo kale qeexday, in aysan jirin dad ay haaystaan dad burcad badeed ah gudaha Soomaaliya, waxaana u dembeeyay seddex ruux oo u dhashay dalka Iiraan oo dhowaan lasii daayay.
Seddexda qof ee lasii daayay ayaa ka shaqeynayay marka FV Siraj waxaana lagu afduubtay Hobyo, bishii Maarso, waxayna hadda kusii jeedaan dalkooda, kadib markii loo dhammeeyay baaritaannadii la xiriiray COVID-19.
Dhinaca kale hay’adda IMB waxay soo dhoweysay shaqaalaha markabkaas ee dib u helay xorriyaddooda, waxayna sidoo kale ka digeen in weli Maraakiibta maraya meelaha ku dhow biyaha Soomaaliya ay qabaan feejignaan xooggan,.
Ciidamada badda ee caalamiga ah ayey IMB sheegtay in loo baahanyahay iney weli sii joogaan biyaha Soomaaliya, si markina uu u noqdo mid ammaan ah .











